U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo  Safiirka Turkiga ?

Sebteembar 9, 2026


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo u yimid booqasho sagootin ah kaddib markii uu soo gaba-gabeeyay muddadii uu Soomaaliya uga soo shaqeynayay diblomaasiyad ahaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa uga mahadceliyay Safiirka Aktaş shaqadii uu ka qabtay Soomaaliya iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga intii uu xilka hayay.

Wasiirku wuxuu sidoo kale adkeeyay xiriirka walaaltinimo ee labada dal, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Dhankiisa, Safiirka Alper Aktaş ayaa soo gaba-gabeynaya waajibaadkiisii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo kulankan uu qeyb ka ahaa munaasabadaha sagootinta ee loo sameynayo ka hor inta uusan u gudbin mas’uuliyado kale oo diblomaasiyadeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Safiirka Turkiga u rajeeyay guul iyo horumar xilalka iyo waajibaadka uu mustaqbalka qaban doono.

Kulankan ayaa mar kale muujinaya xiriirka istiraatiijiga ah iyo midka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo muddooyinkii u dambeeyay iskaashigoodu ku fiday dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta, amniga iyo xiriirka diblomaasiyadeed.