Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo u yimid booqasho sagootin ah kaddib markii uu soo gaba-gabeeyay muddadii uu Soomaaliya uga soo shaqeynayay diblomaasiyad ahaan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa uga mahadceliyay Safiirka Aktaş shaqadii uu ka qabtay Soomaaliya iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga intii uu xilka hayay.
Wasiirku wuxuu sidoo kale adkeeyay xiriirka walaaltinimo ee labada dal, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.




From the comments