U bood dhigaalka

Dagaalka Yemen oo sii xoogeysanaya iyo Xuutiyiinta oo uu weerarro ku qaadey Sacuudigu

Sebteembar 10, 2026

Dagaallada ka socda dalka Yemen ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta ay iska horimaadyo culus ku dhexmarayaan dhowr gobol, halka colaadda ay sidoo kale ku fidayso xuduudaha Sacuudiga.

Dowladda Yemen ayaa Xuutiyiinta ku eedeysay in duqeyn madaafiic ah oo ka dhacday gobolka Marib lagu dilay ugu yaraan saddex carruur ah, oo uu ku jiray ilmo yar, halka lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Dowladda ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa kii labaad ee noociisa ah muddo 48 saacadood gudahood ah.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in ciidamada Sacuudigu ay muddo 12 saacadood ah gudaha Yemen ka fuliyeen 54 duqeyn oo cirka ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday gobollada Al-Jawf, Marib, Taiz, Xudeyda, Saada iyo Al-Bayda. Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in weerarradaasi aysan jawaab la’aan noqon doonin.

Xuutiyiintu waxay sidoo kale Sacuudiga ku eedeeyeen duqeyn lagu qaaday xabsi ku yaalla gobolka Al-Jawf, halkaas oo ay sheegeen in tirada dadka ku dhintay ay gaartay ugu yaraan 32 qof, toddobo kalena ay dhaawacmeen.

Eedeymahan si madax-bannaan looma xaqiijin.
Sacuudiga ayaa isna sheegay in Xuutiyiintu ay sii wadaan weerarrada lagu beegsanayo kaabayaasha iyo goobaha muhiimka ah ee dalka.

Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, Major General Turki al-Maliki, ayaa sheegay in Xuutiyiintu gantaallo ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku bartilmaameedsadeen Khamis Mushait, Abha iyo Jazan.

Maamulka difaaca madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sidoo kale soo saaray digniino amni, inkastoo aan wax dhimasho ah laga soo sheegin digniinahaas.

Xuutiyiinta ayaa sanadkii 2014 la wareegay caasimadda Sanca, taasoo keentay in Sacuudigu hoggaamiyo faragelin militari sanadkii 2015.

Xabbad-joojin ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay ayaa 2022 hoos u dhigtay dagaalladii waaweynaa, balse iska horimaadyada ayaa dib u xoogeysanayay tan iyo bishii Luulyo.

Dagaallada cusub ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah leh, maadaama Xuutiyiintu ay isku dayayaan inay saameyntooda ku ballaariyaan deegaanno ku dhow Bab al-Mandab, oo ah marin-biyood istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo maraakiibta shidaalka ee gobolka.

Xaaladda ayaa sidoo kale walaac ka abuurtay gobolka. Pakistan ayaa digniin ka bixisay in haddii weerarrada Xuutiyiintu ay sii socdaan ama colaadda Yemen ay si toos ah ugu faafto gudaha Sacuudiga, ay suuragal tahay in la dhaqan geliyo Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, oo ay dhawaan kala saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

Dhanka kale, Iran ayaa diidday eedeymaha loo jeediyay ee ku saabsan inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Yemen. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay inay diidan tahay sheegashadaas, iyadoo ku adkeysatay in Tehran ay taageerto midnimada Yemen iyo wadahadal ay hoggaaminayaan dadka Yemen.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), dagaallada iyo rabshadaha ka socda Yemen ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac gaadhaya in ka badan 1,000 qof, halka tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen colaadda sii xoogeysanaysa.

xaaladda ayaa hadda sii xumaanaysa marka la eego amniga Yemen, sidoo kale Sacuudiga iyo guud ahaan marin-biyoodka Badda Cas ayaa qalqal wajahaya.