U bood dhigaalka

Somaliland oo sheegtay inay Gaza u diri karto ilaa 2,000 askari

Sebteembar 10, 2026

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”, ayaa sheegay in Soomaaliland ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dadaallada lagu sugayo nabadgelyada Gaza, haddii la siinayo fursad ay kaga qeyb qaadato howlaha amni iyo nabad-ilaalin ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne Cirro oo hadalkan ka sheegay xilli uu booqasho ku joogo dalka Mareykanka ayaa tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay inay bixiso taageero amni, haddii ay dhinacyada ay khuseyso ka dalbadaan. Booqashada Cirro ee Washington ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka Somaliland iyo Mareykanka, iskaashiga amniga iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu raadinayo hannaan lagu xaqiijin karo amniga iyo xasilloonida Gaza, iyadoo fikrado kala duwan laga soo jeedinayo in la sameeyo ciidan ama howgal caalami ah oo ka qeyb qaata ilaalinta amniga iyo fududeynta gargaarka.

Soomaaliland ayaa sidoo kale muddooyinkii u dambeeyay xoogga saareysay inay isu soo bandhigto dhinac door ka qaadan kara amniga gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Cirro ayaa horey u sheegay inay diyaar u yihiin iskaashi amni oo ay la yeeshaan quwadaha caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Israa’iil.

Booqashada uu Madaxweyne Cirro ku joogo Mareykanka ayaa ah tii ugu horreysay ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana ajandaha safarkiisa kamid ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo taageerada caalamiga ah ee Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale si adag uga soo horjeedda dhaqdhaqaaqa Soomaaliland ee aqoonsan raadiska ama loogu sameynayo heshiisyo caalami ah oo ka baxsan awoodda dowladda federaalka.