U bood dhigaalka

Markab ku gooshayay calanka Soomaaliya oo lagu weeraray xeebaha Ukraine

Sebteembar 12, 2026

Markabka lagu  magacaabo TEDY, oo ka diiwaangashan Soomaaliya kuna socda calanka , ayaa lagu weeraray meel u dhow dekedda Odesa ee Badda Madow, sida ay werisay shabakadda Euronews.

Weerarka ayaa sababay dhimashada laba shaqaale oo u dhashay Azerbaijan, halka laba kale ay dhaawacmeen oo isbitaal la dhigay.

Markabka TEDY waxaa iska leh oo maamusha shirkadda Turkiga ah Mert Marine Corporation, waxaana wararka la helay dhacdadani ay sheegayaan in markabka uu markii hore weerar diyaarado aan duuliye lahayn kula kulmay meel u dhow Odesa, kaddibna laba weerar oo kale lala beegsaday xilli uu u sii socday dekedda Constanța ee Romania.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa lagu kala magacaabay Aslan Aliyev iyo Asim Gasimov, halka Imran Novruzov iyo Rauf Aliyev ay dhaawacyo yihiin, gaar ahaan gubasho, soo gaartay.

Markabka waxaa saarnaa 10 shaqaale ah oo dhalashooyin kala duwan haysta, waxayna
Dowladda Ukraine sheegtay in weerarka uu geystay Ruushku, iyadoo ku tilmaantay weerar lagu qaaday maraakiib ganacsi oo rayid ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Ruushka waxay sheegtay inay beegsatay maraakiib u socday Odesa, iyadoo ku andacootay in ay wadeen sahay militari.

Dhacdadan waxay si gaar ah muhiim ugu tahay Soomaaliya, maadaama TEDY uu ku socday calanka Soomaaliya, waxaana sida ku cad Xeerka Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS), markabka calan dal wata uu leeyahay dhalashada dalka uu calankiisa sito, waxaana dalka calanka leh saaran waajibaadyo ay ka mid yihiin diiwaangelinta markabka iyo awoodda maamul ee dhinacyada maamulka, farsamada iyo arrimaha bulshada oo ay ku jirto Difaaca bdeqabkiisu.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya maadaama ay tahay dalka uu markabkani ka diiwaangashan yahay waxay leedahay kaalin muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta danaha markabka, baaritaanka dhacdada iyo la shaqaynta dowladaha kale ee ay arrintu khusayso.