Qiyaastii 1,400 qof oo Yemeniyiin ah ayaa gudaha Jabuuti ku gaaray muddo 24 saacadood ah, xilli colaadaha Yemen ay sii xoogeysanayaan, gaar ahaan deegaannada ku dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyas Moussa Dawaleh, ayaa sheegay in 1,400 qaxooti ah ay Yemen ka soo gaareen Jabuuti hal maalin gudaheed.
Wasiirka ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in dadkaasi ay yimaadeen xilli xaaladda amni ee Yemen ay sii xumaanayso, iyadoo dagaalladu ay sababeen barakac ballaaran oo gudaha iyo dibadda dalka ah.
Maalin ka hor, wasiirku wuxuu sheegay in 500 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay gaareen magaalada xeebta ah ee Obock, kadib markii laga soo badbaadiyay badda, kaddib markii doonyihii ay saarnaayeen shidaalku ka dhammaaday xilli ay ka tallaabayeen marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Obock oo ku taalla waqooyi-bari Jabuuti ayaa qiyaastii 20 kiiloomitir oo dhanka biyaha ah u jirta xeebaha Yemen, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay noqotay meel ay soo gaaraan dadka Yemen uga cararaya colaadaha.
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in kooxaha nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, ay gaareen xeebaha Obock, iyadoo laga cabsi qabo in maalmaha soo socda ay yimaadaan dad kale oo badan.
IOM ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 46,000 qof ay gudaha Yemen ku barakaceen tan iyo markii dagaalladu xoogeysteen toddobaadkii hore.
Agaasimaha guud ee IOM, Amy Pope, ayaa sheegtay in qoysas badan ay markii labaad ama saddexaad ku qasbanaadeen inay ka cararaan colaadda, iyadoo xaaladdoodu aad u liidato isla markaana ay haystaan waxyaabo kooban oo ay ku noolaadaan.
Waxay sidoo kale ku baaqday in hay’adaha gargaarka loo oggolaado inay si ammaan ah oo aan caqabad lahayn u gaaraan dadka u baahan gargaarka degdegga ah.
Jabuuti ayaa horey u martigelisay tobannaan kun oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah. Xogta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Maarso 2026 ayaa muujinaysa in dalkaas ay ka diiwaangashnaayeen in ka badan 36,000 qaxooti iyo magangelyo-doon, kuwaas oo badankoodu ka soo jeeda Soomaaliya, Itoobiya iyo Yemen.
Barakaca cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaallada Yemen ay saameyn ku yeesheen deegaanno ku dhow Bab al-Mandab, oo ah marin-biyood istiraatiiji ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isla markaana muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka u kala gudbaya Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta.