U bood dhigaalka

Jaamacadda Hope University oo qabatay kulan ay isugu yimaadeen ardaydii hore uga qalin-jabisay

Sebteembar 25, 2026

Muqdisho – Jaamacadda Hope University ayaa maanta si guul leh u qabatay kulanka Aluumi-ga (Alumni), kaas oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah ardaydii hore uga qalin-jabisay jaamacadda, kuwaas oo maanta haya xilal sare iyo masuuliyado muhiim ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeeya jaamacadda iyo ardaydii hore uga qalin-jabisay, kor u qaadista wada-shaqeynta labada dhinac iyo ballaarinta kaalinta ay jaamacaddu ku leedahay adeegga iyo horumarinta bulshada.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn daahfurtay Haawo Ibraahim Cali, oo ka mid ah ardaydii hore uga qalin-jabisay Jaamacadda Hope University.

Intii uu kulanku socday, qaar ka mid ah ardaydii hore ayaa halkaas ka jeediyay hadallo ay ku cabbireen dareenkooda ku aaddan waxbarashadii ay ku qaateen jaamacadda, iyagoo sidoo kale ka hadlay doorka ay Hope University ku lahayd kobcinta aqoontooda iyo horumarkooda shaqsiyeed iyo mid xirfadeed.

Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa waxaa soo xiray Madaxweyne Ku-xigeenka Jaamacadda Hope University, Eng. Maxamed Cilmi, kaas oo ardaydii hore kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda, aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarka dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka jaamacadda iyo ardaydii hore uga qalin-jabisay, si loo kobciyo wada-shaqeynta, is-weydaarsiga aqoonta iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta bulshada Soomaaliyeed.