U bood dhigaalka

Falanqayn: Buugga “Aargoosiga Juqraafiga”

Oktoobar 2, 2026

Buugga “The Revenge of Geography: What the Map Tells Us About Coming Conflicts and the Battle Against Fate” waa dhigaal soo baxay sannadkii 2012, waxaana qoray Robert D. Kaplan. Waa buug jidbixinaya saamaynta juqraafigu ku leeyahay masiirka bulshooyinka iyo dawladaha; wuxuuna ku qotomaa fikrad u dhexaysa laba aragtiyood oo xagjir ah, lidna isku ah, oo kala ah: aragti ku doodaysa in casrigan ay dalalku haystaan tiknoolajiyad sarraysa iyo gantaallo ka goosha qaaradaha, sidaas darteedna uusan muhiimad lahayn juqraafigu, iyo aragtida labaad oo ku biyoshubanaysa “Qaddarta Juqraafiga”, oo ah in bulshooyinku ku gowracan yihiin degaanka ay ku nool yihiin, aysanna sinnaba uga bixi karin qaddartaas.

Inkastoo Kaplan uusan aaminsanayn qaddarta juqraafiga, haddana wuxuu aaminsan yahay in mudnaanta juqraafigu taagan tahay xilli walba, colaad iyo nabadba, iyo in xuduudda juqraafigu tahay tan dhabta ah ee bulshooyinka kala qaybisa. Wuxuu qabaa in soohdin kasta ama kala qaybin kasta oo lagu sameeyo bulsho, oo aan waafaqsanayn oogada dhulka, ay baabi’i doonto haddii la helo rabitaan midnimo. Wuxuu arrintaas caddayn ugu soo qaatay kala qaybintii lagu sameeyey dalalka Yaman, Fiitnaam iyo Jarmalka ee ugu dambayntii midoobay (bogga 13aad).

Isaga oo xoojinaya muhiimadda juqraafiga, wuxuu Kaplan u sababeeyey juqraafiga dhacdooyin taariikhi ah, waxaana ka xusi karnaa duullaankii Midowga Soofiyeetku ku qaaday Afgaanistaan. Wuxuu aaminsan yahay in sababta duullaankaasi keentay ay ahayd Ruushka oo rabay inuu gaaro badaha diirran, gaar ahaan Badweynta Hindiya. Dabcan, Afgaanistaan waa dal xiran, badna aan lahayn, laakiin ujeedka qoraagu waa in qabashada Afgaanistaan kaddib uu Soofiyeetku rabay inuu ku duulo Baakistaan oo kulaasha Badweynta Hindiya.

Buuggan Aargoosiga Juqraafiga wuxuu ka kooban yahay saddex cutub oo waaweyn. Cutubka 1aad wuxuu qoraagu ku falanqaynayaa qoraayaal dhowr ah oo cinwaankan wax ka qoray, sida Nicholas John Spykman, Halford Mackinder, Karl Haushofer, Strausz-Hupé, Alfred Mahan iyo qaar kale. Halka cutubka 2aad uu si gaar ah u dulistaagayo juqraafiga dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Iiraan, Turkiga iyo qaaradda Yurub; ugu dambayntii, cutubka 3aad wuxuu ku faaqidayaa juqraafiga qaaradda Waqooyiga Ameerika.

Qormadan waxaan ku soo koobi doonaa, bilowga hore, aragtiyaha khubarrada cilmiga juqraafi-siyaasadeedka ee qoraa Kaplan falanqaynayo, kaddibna waxaan si guud u dulmari doonaa faallooyinka uu Kaplan ka bixiyey dalalka caalamka, kaddibna waxaan si guud u qiimayn doonaa buugga.

Xeeldheerayaasha Hore Uga Faalooday Juqraafi-Siyaasadeedka:

Caalimka 1aad ee mudane Kaplan ku lafaguray buuggan waa Spykman (1893–1943), oo ahaa aqoonyahan Ameerikaan-Holandiis ah, ahaana falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo istiraatiijiyadda xilligii uu socday Dagaalkii 2aad ee Adduunka. Sidoo kale, wuxuu qoray dhigaallo dhowr ah oo ay ka mid yihiin “America’s Strategy in World Politics” iyo “The Geography of the Peace”; wuxuuna aaminsanaa in juqraafigu door muhiim ah ka qaato siyaasadda arrimaha dibedda ee dalalka. Wuxuu leeyahay oraah caan ah oo uu ku muujiyey arrintaas, oo ah: “Wasiirradu intay yimaadaan bay kaddibna baxaan, sidoo kale kaligood-taliyayaashu way dhintaan, balse silsiladaha buuraha ma dhaqaaqaan… Badweynta Atlantika waligeed waxay kala qaybin doontaa Yurub iyo Ameerika…” (bogagga 50–51).

Wuxuu aaminsanaa mudane Spykman — si ka duwan aragtida Mackinder — in dalalka dhaca qararka qaaradaha Aasiya iyo Yurub ee leh xeebaha ay ka ahmiyad weyn yihiin dalalka dhaca gudaha qaaradahaas. Sidoo kale, wuxuu aaminsanaa in awoodda ama dalka gacanta ku dhiga dalalkaas qararka dhaca uu yahay awoodda maamuli doonta dunida oo dhan.

Waxaa ka mid ah qoraayaasha uu Kaplan in badan lafagurayo aragtiyahooda Halford Mackinder (1861–1947), oo ahaa aqoonyahan Ingiriis ah oo lagu tiriyo mid ka mid ah aasaasayaashii cilmiga juqraafi-siyaasadeedka. Wuxuu aaminsanaa in juqraafigu jaangooyo sooyaalka aadanaha, wuxuuna qoray sannadkii 1904 qormo cilmiyeed caan noqotay oo cinwaankeedu ahaa “The Geographical Pivot of History”. Nuxurkeedu wuxuu yahay in quwadda ama dawladda maamusha Yurubta Bari ay tahay cidda maamusha dhulka dhaca bartamaha qaaradaha Aasiya iyo Yurub ee uu u bixiyey Eurasian Heartland; sidaas darteedna awooddaas ama dalkaasi yahay cidda maamuli doonta dunida oo dhan. Wuxuu lid ku yahay aragtida Spykman.

Dhulka Qalbiga Yurub-Aasiya waa halka ay ka soo ifbaxeen qabiilladii burburiyey Imbaraadooriyaddii Cabaasiyiinta iyo ilbaxnimooyin kale, waana halkii ay ka cabsan jireen boqortooyooyinkii hore ee Shiineeska, kuna qasabtay inay ka dhistaan beelahaas darbi. Wuxuuna aaminsanaa mudane Mackinder in dawladda Ruushka oo xilligiisii aad isku fidinaysay ay tahay awoodda soo socota ee dunida, maaddaama ay iyadu tahay cidda maamusha dhulka uu aqoonsan yahay inuu yahay kan ugu istiraatiijisan.

Wuxuu kaloo Mackinder qoray sannadkii 1919 buug cinwaankiisu ahaa “Democratic Ideals and Reality”; waxaana ka mid ahaa aragtiyaha uu ku xusay buuggaas in laga sameeyo dalal yaryar oo dhowr ah Yurubta Bari oo kala dhexgala Ruushka iyo Jarmalka oo xilligaas ku hirdamayay aaggaas.

Geesta kale, mudane Kaplan wuxuu ku lafaguray buuggiisan, isaga oo dhaliilaya, tiro aqoonyahanno ah oo ka tirsanaa Naasiyiintii Jarmalka, oo uu ka mid yahay Karl Haushofer (1869–1946), wuxuuna ku tilmaamayaa inay foolxumeeyeen afkaartii Mackinder iyo guud ahaan cilmiga juqraafi-siyaasadeedka, iyaga oo marmarsiinyo sharci u raadinaya Hitler. Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa afkaarta Haushofer oo ku tilmaamay dalalka Bariga Yurub inay yihiin qurubyo, laguna tilmaami karin dalal buuxa, arrintaas oo qiil sharci u raadinaysay duullaankii Hitler ee dalalkaas. Mar kale, wuxuu tusaale u soo qaadanayaa isla Haushofer oo ku sheegay buug af Jarmal ku qoran, oo uu uga warramayay xuduudaha, in ummadaha sii dabargo’aya oo keliya ay yihiin kuwa isku taxallujiya inay ilaashadaan oo yeeshaan xuduudo sugan, balse ummadaha xorta ahi aysan isku hawlin soohdimo, arrintaas oo jidbixin u ah dhulballaarisiga uu ku fekerayay Hitler (bogagga 115–116).

Waxaa ka mid ah aqoonyahannada uu mudane Kaplan si qotodheer uga qaadaadhigay buuggan Strausz-Hupé (1903–2002), oo ahaa aqoonyahan Ameerikaan ah, balse asal ahaan ka soo qaxay Austria. Wuxuu qoray sannadkii 1942 buug cinwaankiisu yahay “Geopolitics: The Struggle for Space and Power”. Ujeeddada uu u qoray buuggana waxay ahayd inuu duro doodaha Haushofer iyo aqoonyahannada kale ee Naasiga ah. Sidoo kale, wuxuu rabay inuu ku baraarujiyo Mareykanka mudnaanta uu leeyahay cilmiga juqraafi-siyaasadeedka.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah taariikhyahannada uu Kaplan falanqaynayo Alfred Mahan (1840–1914), oo dhalashadiisu tahay Mareykan, ahna ruuxii ugu horreeyay ee adeegsada ereybixinta “Bariga Dhexe”. Wuxuu si gaar ah wax uga qori jiray waxtarka iyo saamaynta ciidamada baddu ku lahaayeen sooyaalka aadanaha, waxaana ka mid ah buugaagtiisa buug cinwaankiisu yahay “The Influence of Sea Power upon History, 1660–1783”. Wuxuuna mudane Kaplan aaminsan yahay in afkaartii Mahan ay saameeyeen madaxweynayaashii Mareykanka ee William McKinley iyo Franklin Roosevelt ee isku hawlay inay Mareykanka u dhisaan ciidan badeed oo xoog weyn (bogga 140).

Wuxuu Kaplan ku doodayaa in maanta Shiinaha iyo Hindiya — sidii uu hore ugu sameeyey Mareykanka — ay ku foogan yihiin hirgelinta afkaartii Mahan, wuxuuna ku tilmaamayaa in labaduba ku tartamayaan dhisidda ciidan badeed tayadiisu sarrayso. Dhanka kale, Yurub waxay aragti ahaan qabtaa inaan loo baahnayn ciidan badeed oo xoog weyn, beddelkiisana loo baahan yahay boolis badeed ilaaliya xeebaha!

Sidee buu Kaplan u Qiimeeyey Dalalka?

Mudane Kaplan wuxuu buuggan, gaar ahaan cutubyada 2aad iyo 3aad, uga faalloonayaa dalal dhowr ah oo uu arko inay yihiin dalal dhaca meelo istiraatiiji ah. Wuxuu dal walba isdul taagayaa arrimaha uu ku gacansarreeyo iyo meelaha uu ka nugul yahay; waxaana halbeegyada uu dalalka ku qiimeeyey ka mid ah: bedka dalka, tirada dadweynaha, badaha iyo marinbiyoodyada uu dhaco, cimilada dalka, u dhowaanshaha suuqyada caalamiga ah iyo qaar kale.

Tusaale ahaan, wuxuu Mareykanka ku tilmaamayaa in fursadda ugu weyn ee uu haysto ay tahay inuu ka go’an yahay Yurub-Aasiya oo ah halka ay ku urursan yihiin quwadaha dunida. Xuduudihiisa waqooyi, bari iyo galbeed way ammaan yihiin, balse halista keliya ee uu waajahayo waa xuduuddiisa koonfureed ee ay ka xigto Meksiko oo uu ku tilmaamay inuu yahay dal dadkiisu aad u tarmayaan, ayna aaminsan yihiin dadkiisu in dhul uga maqan yahay Mareykanka. Wuxuu ku tilmaamayaa tahriibka ka jira xuduudda koonfureed ee Mareykanka mid ka mid ah halisaha ugu waaweyn ee uu waajahayo Mareykanka.

Inkastoo Shiinuhu uusan ka go’nayn qaaradda Aasiya, haddana qoraagu wuxuu qabaa — si la mid ah Mareykanka — inuu ku yaallo meel istiraatiiji ah, sababtuna tahay inuu dhaco laba badweyn oo muhiim u ah ganacsiga adduunka, sidoo kalena leeyahay cimilo diirran oo ku habboon ilbaxnimada. Hasayeeshee, wuxuu aaminsan yahay qoraagu in Shiinuhu ka nugul yahay xuduudihiisa, noocay ahaadaanba, mid berri ama mid bad, ayna ku hareeraysan yihiin quwado waaweyn, sida Ruushka, Jabaan, Hindiya iyo quwado dhexe, qaarkoodna ay kala dhexeeyaan muranno dhuleed iyo badeed.

Geesta kale, qoraagu wuxuu Ruushka meelo kala duwan ku tilmaamayaa in faa’iidada ugu weyn ee uu haysto ay tahay bedkiisa, balse uu ka nugul yahay dadkiisa oo yar marka lala barbardhigo Shiinaha iyo Mareykanka. Sidoo kale, wuxuu qoraagu ku tilmaamayaa in Ruushka ay ciileen cimiladiisa qabow iyo xuduudihiisa filiqsan.

Mudane Kaplan wuxuu ka aaminsan yahay Hindiya inay dhacdo meel istiraatiiji ah, balse aysan gaarsiisnayn Shiinaha iyo Mareykanka. Hasayeeshee, wuxuu aaminsan yahay in Hindiya ay, sidii Ruushka iyo Shiinaha, ka nugushahay xuduudaheeda, gaar ahaan soohdimaha ay la leedahay Baakistaan, Shiinaha iyo Bangaaladheesh.

Dhanka Bariga Dhexe, wuxuu ku tilmaamayaa inuu yahay gobol aad u istiraatiiji ah oo dadkiisu u badan yihiin dhallinyaro, ayna ku kaydsan tahay tamarta adduunka inteeda ugu badan, balse cilladda uu qabo ay tahay kala qaybsanaan baahsan. Wuxuu aaminsan yahay in Iiraan, Turkiga iyo Boqortooyada Sucuudigu yihiin dalalka ugu istiraatiijisan gobolkan. Haddaan midmid u dulistaagno, wuxuu ku tilmaamayaa Iiraan inay dhacdo meel istiraatiiji ah, dhacdana Gacanka Carbeed iyo Badda Qaswiin/Kasbiyaan (Caspian Sea), ayna ku xirto Gacanka Carbeed dalalka bartamaha Aasiya, arrintaas oo ah faa’iido juqraafiyeed. Sidoo kale, waxay leedahay awood dabacsan oo ah inay ka faa’iidaysan karto afkeeda, dhaqankeeda iyo mad-habkeeda oo ku faafsan bulshooyinka Aasiyada Dhexe.

Docda kale, mudane Kaplan wuxuu ku tilmaamayaa Turkiga inuu yahay dal ku yaalla goob istiraatiiji ah, yahayna buundo isku xirta Yurub iyo Aasiya. Sidoo kale, wuxuu yahay dal ay ka soo burqadaan webiyada Dijlaha iyo Furaat, arrintaas oo ah gacansarrayn juqraafiyeed (bogga 364). Ugu dambayntii, wuxuu qoraagu ku tilmaamayaa Boqortooyada Sucuudiga inay ku taallo meelaha ugu istiraatiijisan Bariga Dhexe, balse ay ka nugushahay xuduudda koonfureed ee ay la leedahay Yaman, isaga oo ku sababaynaya in Yamani dad badan tahay, una samaysan tahay bulsho beeleed, hubkuna ku filiqsan yahay, oo mar walbana dhankaas qas uga iman karo Sucuudiga; waxaana la moodaa in qoraaga saadaashan loo helay.

Hasayeeshee, qoraagu, isaga oo tebinaya afkaarta Spykman, wuxuu ku tilmaamayaa Afrika iyo Laatiin Ameerika in labaduba juqraafi ahaan dhacaan goobo aan istiraatiiji ahayn. Inkastoo Afrika bed ahaan shan jeer ku laabmayso Yurub, sidoo kalena ku taallo wadnaha marinnada ganacsiga adduunka, haddana Kaplan iyo Spykman waxay ku doodayaan in Afrika juqraafi ahaan ciilan tahay sababo dhowr ah dartood, waxaana ka mid ah: (a) inaysan lahayn xeebo leh dekedo dabiici ah oo ay ku soo xiran karaan maraakiibta ganacsiga iyo webiyo ay ku shiraacan karaan maraakiibta ganacsigu; (b) in Saxaraha waqooyiga qaaradda dhaca iyo kaymaha ku yaalla bartamaha qaaraddu ay carqaladeeyeen isusocodka gudaha qaaradda; (c) in cimiladeedu aysan ku habboonayn ilbaxnimada — waa aragtida ay qabaan!

Dhanka Yurub, mudane Kaplan, isaga oo xiganaya afkaarta Spykman, wuxuu ku tilmaamayaa dalalka Yurubta Bari inay nugul yihiin juqraafi ahaan, maaddaama aysan lahayn caqabado juqraafiyeed oo kala dhex gala iyaga iyo Ruushka oo ah cadowgooda koowaad. Sidoo kale, wuxuu tilmaamayaa in Jarmalku ka nugul yahay xuduudihiisa bari iyo galbeed, ayna fidsan yihiin, halisna ugu yihiin duullaan shisheeye. Ugu dambayntii, Kaplan wuxuu rumaysan yahay in Ingiriisku ku faa’iiday jasiiradnimadiisa, xuduuddiisana ay adag tahay in la soo gaaro marka lala barbardhigo dalalka kale ee qaaradda Yurub.

Muxuu Kaplan ka dhahay Soomaaliya? Qoraagu wuxuu ku xusay “Soomaaliya” sadarro farakutiris ah, badidoodna wuxuu uga faallooday arrimo xiriir la leh dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, waxaase ku jirta hal meel oo uu si togan uga hadlay Soomaaliya oo uu ku sheegay in mustaqbalka la arki karo gaaska iyo shidaalka laga qaado Soomaaliya oo lagu kaydiyo Shiinaha — Eebbe ha rumeeyo. Hasayeeshee, qoraagu kama bixin juqraafiga Soomaaliga faahfaahin dheer. Docda kale, qoraagu wuxuu ku tilmaamay Badweynta Hindiya ee ay Soomaaliya dhacdo inay tahay mid ka mid ah badaha ugu istiraatiijisan dunida, tahayna marin isku xira Bariga Fog ee Aasiya, Afrika iyo Bariga Dhexe.

Haddaan halbeegga Kaplan ku fiirinno Soomaaliya, waxaa noo soo baxaya inay ku taallo meel istiraatiiji ah, dhacdana bado iyo marinno muhiim ah, laakiin ay ka nugushahay xuduuddeeda dhuleed, gaar ahaan soohdinta ay la leedahay Itoobiya oo ah dal uu kala dhexeeyo muran dhuleed, dad badan oo bad la’aan ah, haddana u ooman gaarista Badda Cas, siduu Ruushku ugu oomanaa gaarista badaha diirran. Sidoo kale, waxay Soomaaliya ka nugushahay tirada dadweynaha marka lala barbardhigo deriskeeda Itoobiya iyo Keenya, walow rajo halkaas ka jirto oo Soomaalidu dhalmohoodu sarreeyo.

Dhaliilaha Buugga

Inkastoo buuggani indhaha u furayo akhristaha daneeya juqraafi-siyaasadeedka, haddana wuxuu leeyahay ceebo ay ka mid yihiin inuu u janjeero dhanka Galbeedka. Wuxuu si dadban iyo si toos ah buugga ugu sheegayaa aragtiyo gumaysi, sida in gumaystayaashii reer Yurub ahaayeen barayaal baray bulshooyin badan dawladnimada iyo maamulka, docda kalena ay jireen dawladihii aan la gumaysan, sida Niibaal, oo ka qaday fursad dahabi ah oo ay uga baran lahaayeen gumaystaha dawladnimada! (bogga 323). Sidoo kale, qoraagu wuxuu si toos ah u taageerayaa Israa’iil oo ah gumaystaha casriga, docda kalena wuxuu ku tilmaamayaa Filisitiiniyiinta inay ku hawlan yihiin qas, beddelkii ay isku hawli lahaayeen dawladdhis.

Sidoo kale, qoraagu wuxuu aaminsan yahay in dalkiisa Mareykanku uu ka taliyo Badda Kaariibiga, sidoo kalana ay qaaradda Laatiin Ameerika tahay barxadda dambe ee dalkiisa. Wuxuu ku dhaliilayaa Hugo Chávez inuu ku casuumay barxadda dalkiisa dalal cadow ah, isaga oo ula jeeda Ruushka iyo Iiraan.

Waxaa kale oo ka mid ah doodaha liita ee buuggan ku xusan in cimilada qaaradaha Afrika iyo Laatiin Ameerika ay yihiin cimilooyin diirran oo aysan ku bulaalin ilbaxnimooyinku! Taa lidkeeda, waxay dunidu maanta ugu baahi badan tahay cimilada diirran, si tamarta nadiifta ah looga dhaliyo, maaddaama shidaalku gabaabsi yahay, waxaana loo arkaa dalalka dhaca dhulbaraha inay haystaan fursado dahabi ah.

Dhaliilaha kale ee uu leeyahay buuggu waxaa ka mid ah inuu sas ka qabo muslimiinta. Tusaale ahaan, markuu tilmaamayo halisaha uu waajahayo Ruushku, wuxuu ku darayaa halisaha kororka taranka muslimiinta Ruushka, isaga oo ku sheegaya in muslimiintaasi u janjeeraan gooniisutaag, sidoo kalena u nugul yihiin argaggixisnimo (bogga 229). Meel kale wuxuu ku tilmaamayaa in bulshada Islaamka ee Maleysiya ay sii xagjirayso, arrintaasna ay halis ku tahay midnimada bulshada Maleysiya ee ka kooban isirro kala duwan (bogga 270). Sidoo kale, wuxuu uga hadlayaa Baakistaan qaab liita, oo laga dareemayo in qoraagu cuqdad u qabo dalkaas. Meel kale wuxuu ku tilmaamayaa Turkida, Iiraaniyiinta iyo Carabta in saddexdooduba yihiin muslimiin, iskuna bahaysanayaan ka hortagga Israa’iil iyo Galbeedka (bogga 386).

Islaam-nacaybka wuxuu gaarsiiyey qoraagu inuu ka horyimaado xitaa dimuqraadiyadda. Tusaale ahaan, wuxuu ku leeyahay bogga 400aad in dimuqraadiyaddu ka soo saari karto Sucuudiga nidaam lid ku ah danaha Galbeedka. Mar kale, wuxuu ku tilmaamayaa Turkiga in markasta oo dimuqraadiyaddiisu xoogaysato ay sii xoogaystaan Islaamiyiintu, hadalkaas oo u muuqda digniin loo dirayo Galbeedka!

Sidoo kale, buuggu wuxuu shaydaaminayaa Shiinaha, isaga oo ku tilmaamaya inuu leeyahay aragti gumaysi iyo dhulfidsi. Tusaale ahaan, bogga 278, wuxuu qoraagu soo xiganayaa hawraar uu yiri Krepinevich oo ah in Shiinuhu ku dhaqaaqay sidii uu uga dhigi lahaa Bariga Aasiya Finland oo kale (dal liita oo cidna iska dhicin karayn). Bogagga qaar wuxuu ku tilmaamay in Shiinuhu iska bililiqaysto macdanta waddamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, waana run arrintaas. Hasayeeshee, qoraagu wuxuu gebi ahaanba indhaha ka laabtay bililiqada Mareykanku ku hayo shidaalka Dunida Koonfureed.

Hadal iyo dhammaantiis, juqraafigu wuxuu saameeyaa habfikirka dawladaha si la mid ah sida ay taariikhdu u saamayso habfikirka bulshooyinka, sinabana looma dafiri karo mudnaanta uu leeyahay. Dalalkuna, iyaga oo ka midaysan diinta, afka iyo dhaqanka, ayuu juqraafigu ku kala duwi karaa arrimaha hortebinta u leh siyaasadahooda dibedda. Wuuna ku saxanyahay mudane Kaplan inuu ku deedifeeyo buuggan qolyaha ku dooda in juqraafigu mudnaan badan lahayn casrigan.

Run ahaantii, dal kasta oo himilo leh wuxuu u baahanyahay xeeldheere juqraafi oo u jidbixiya, sidii uu Haushofer ugu jidbixiyey nidaamkii Naasiga, ama siday Spykman iyo Mackinder ugu jidbixiyeen Mareykanka iyo sida ay maanta khubarrada Shiineesku ugu jidbixinayaan dalkooda.

Gabagabadii, mudane Kaplan waa qoraa dhigaallo ku qori jiray wargeysyada uga magac dheer Mareykanka, waana Yuhuudi, sida uu ku qiranayo buugga gudihiisa, wayna iska caddahay halka uu u xaglinayo. Hasayeeshee, buuggiisan Aargoosiga Juqraafiga wuxuu si qoddo dheer u fahamsiinayaa akhristaha goobaha ay ku hirdamayaan quwadaha murqaha kuukuusan iyo meelaha ay ka dillaaci doonaan dagaallada mustaqbalka, hadday ahaato khilaaf xuduud badeed, sida Badda Koonfureed ee Shiinaha, iyo khilaaf xuduud dhuleed, sida loollanka ka taagan qaarad-la-moodda Hindiya, Bariga Yurub iyo meelo kale.

FG: Nuqulka aan akhriyeay ee aan ka xigtay bogagga aan ku xusay qormadan waa nuqul Carabi ah oo ay soo tarjuntay Mu’asasada Hindaawi.

W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Ookiyaalle”.

Sharciyaqaan