Arusha, Tanzania – 2 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania ku shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka baarlamaannada dalalka ku mideysan EAC, horumarinta diblomaasiyadda baarlamaanka, is-weydaarsiga khibradaha iyo sidii is-dhexgalka Bariga Afrika uu shacabka dalalka xubnaha ka ah ugu horseedi lahaa faa’iidooyin muuqda.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qaybgalayaasha kulanka la wadaagay horumarka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka, amniga iyo sarreynta sharciga, maamulka maaliyadda guud iyo horumarinta dhaqaalaha.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in Golaha Shacabka uu ansixiyey in ka badan 56 sharci iyo 18 qaraar, isagoo tilmaamay in himilada Golaha ay tahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan sharci-dejinta iyo korjoogteynta, iyo u adeegidda danaha shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in baarlamaannada Bariga Afrika ay yeeshaan iskaashi xooggan, hay’ado adkaysi leh iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo horseedda horumar iyo is-dhexgal dhab ah oo ka dhex dhaca bulshada gobolka.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si buuxda uga qayb qaadato dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta Kulanka 22-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho dhammaadka bisha Janaayo 2027.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujiyey rajada laga qabo in Muqdisho ay si wanaagsan ugu soo dhoweyso Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada EAC, iyadoo kulankaasi la filayo inuu sii xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo Bulshada Bariga Afrika iyo iskaashiga baarlamaannada gobolka.