Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulan gaar ah kula qaadatay Ku-Xigeenka Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (OHCHR), Ms. Awa Dabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR), gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dadaallada lagu hirgelinayo xafiiska OHCHR ee Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay arrintani u leedahay xoojinta hay’adaha qaranka, taageeridda dadaallada lagu horumarinayo xuquuqul insaanka iyo kobcinta iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.




From the comments