Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulan gaar ah kula qaadatay Ku-Xigeenka Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (OHCHR), Ms. Awa Dabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR), gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dadaallada lagu hirgelinayo xafiiska OHCHR ee Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay arrintani u leedahay xoojinta hay’adaha qaranka, taageeridda dadaallada lagu horumarinayo xuquuqul insaanka iyo kobcinta iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay OHCHR taageerada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dadaallada lagu horumarinayo, laguna ilaalinayo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday labada dhinac inay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo taageerada farsamo ee dhinaca xuquuqul insaanka, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyo horumarinta hababka ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, iyo qaar ka mid ah khubarada iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.