Muqdisho – 3 Oktoobar 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar lagu qaaday xarun koronto oo adeegta Masjidka Nabiga ee magaalada Madiina, dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday kaabayaal rayid oo koronto siiya mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka uu yahay fal ka dhan ah karaamada goobaha barakeysan, isla markaana ay u aragto xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Sacuudiga.
Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Sacuudiga, iyadoo taageertay dadaallada Boqortooyada ee lagu ilaalinayo madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo badqabka muwaadiniinta, dadka deggan iyo booqdayaasha goobaha barakeysan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ay diiddan tahay fal kasta oo khatar gelinaya xasilloonida gobolka, waxayna ku baaqday in dadka ka dambeeyay weerarka lagula xisaabtamo.