Dowladda Soomaaliya ayaa dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ku ballaarinaysa meel ka baxsan howl-gallada milatari, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada fikirka, dhaqaalaha, warbaahinta, diinta iyo saameynta bulshada ee kooxdu ku sii jirto.
Qormo ay baahisay Shabakadda TRT Afrika ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada uusan ku koobnaan karin goobta dagaalka, balse loo baahan yahay in wax laga qabto fikradaha, ilaha dhaqaale, dacaayadaha iyo saameynta bulsho ee u sahla kooxaha hubeysan inay sii wataan howlahooda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dowladda ay la dagaallamayso argagixisada dhinacyada milatari, fikir iyo dhaqaale, taasoo muujinaysa in istaraatiijiyadda dowladda ay ka gudubtay dagaalka tooska ah ee goobaha howlgallada.
Qormadu waxay tusaale u soo qaadatay isbeddelka laga dareemayo amniga Muqdisho, iyadoo saraakiisha dowladda ay tilmaameen in ay jiraan xaalado ay masuuliyiin sare si caadi ah ugu safraan magaalada, halka goobaha dadweynaha ay sidoo kale dib u bilaabeen inay noqdaan meelaha lagu qabto ciyaaro, munaasabado dhaqameed iyo kulamo ay bulshada si furan uga qaybqaadato.
Dhanka kale, dowladda ayaa xoogga saaraysa dagaalka fikirka, gaar ahaan sidii loo wiiqi lahaa adeegsiga diinta ee lagu marin habaabinayo bulshada.
Saraakiisha dowladda ayaa kooxda inta badan ugu yeera magaca “Khawaarij”, iyadoo loo marayo istaraatiijiyad lagu doonayo in kooxda laga sooco magaca iyo aqoonsiga dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dowladda ayaa wadda qorshe ay ku diiwaangelinayso dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha waxbarashada diinta, iyadoo sidoo kale la doonayo in la xoojiyo isku-duwidda khudbadaha Jimcaha iyo wacyigelinta diimeed ee ka dhanka ah fasiraadaha xagjirka ah.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sidoo kale taageertay hindise la xiriira dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo loo qorsheeyay inuu mideeyo culimada, xoojiyo doorkooda bulshada, isla markaana gacan ka geysto wacyigelinta diimeed, nabadda iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.
Dhinaca dhaqaalaha, dowladda ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab, sida lagu sheegay qormada, kooxda Al-shabaab ayaa muddo dheer lacag ka ururinaysay ganacsatada, beeraleyda, gaadiidleyda iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo dowladda ay sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu beegsanayo xisaabaadka, hababka isgaarsiinta iyo nidaamyada lacagaha ee lala xiriiriyo maalgelinta kooxda.
Dagaalka warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa sidoo kale ka mid ah qorshaha, ayadoo Dowladdu ay kordhisay warbixinnada rasmiga ah ee ku saabsan xaaladaha amni, iyadoo la doonayo in laga hortago in kooxaha hubeysan ay si gaar ah u maamulaan sheekada iyo wararka ka dhasha weerarrada.
Qormadu waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay dib-u-soo-celinta goobaha dadweynaha iyo nolol maalmeedka bulshada, waxaana Ciyaaraha, munaasabadaha dhaqanka iyo isu imaatinnada bulshada loo arkaa qayb ka mid ah soo celinta noloshii caadiga ahayd iyo yareynta saameynta ay cabsi iyo hanjabaad amni ku yeesheen bulshada.
Sidoo kale, dowladda ayaa isku dayaysa inay beddesho sawirka ku saabsan alle ubariga iyo geesinimada, iyadoo si weyn loo maamuuso ciidamada iyo saraakiisha ku dhinta dagaalka, isla markaana la qorsheynayo taageero waxbarasho iyo caafimaad oo loo fidiyo carruurta ay ka tageen askarta ku dhimatay howlgallada.
Marka la isku geeyo tallaabooyinkan, istaraatiijiyadda dowladda Soomaaliya waxay isku dayaysaa in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab laga dhigo mid aan ku koobnaan xoogga milatari oo keliya, balse lagu daro wiiqidda ilaha dhaqaale, ka hortagga dacaayadda, xoojinta wacyigelinta diimeed, soo celinta adeegyada iyo goobaha bulshada, iyo xoojinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.
Qormada TRT Afrika waxay ku soo gabagabaynaysaa in awoodda ciidan oo keliya aysan ku filnayn in la wiiqo koox argagixiso oo muddo dheer ku tiirsanayd shabakad dhaqaale, fikradeed iyo bulsho; sidaas darteed, dagaalku wuxuu u baahan yahay in isku mar wax looga qabto awoodda dagaal iyo xaaladaha u sahla kooxda inay sii yeelato saameyn.