Madaxda Afrika, hay’adaha qaaradda iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga ayaa ku baaqay in Afrika ay ka gudubto marxaladda qorsheyaasha iyo ballanqaadyada, isla markaana ay xoogga saarto fulinta mashaariic wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qaaradda.
Baaqan ayaa ka soo baxay shirkii ugu horreeyay ee Alamein Africa Forum, oo lagu qabtay magaalada New Alamein ee dalka Masar, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, uu sheegay in Afrika aysan ka jirin aragti iyo himilo la’aan, balse caqabadda taagan ay tahay sidii qorshayaasha waaweyn loogu beddeli lahaa mashaariic si wanaagsan loo diyaariyey, loo maalgeliyey, loona hirgeliyey.
Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay iskaashi dhow oo dhex mara dowladaha iyo waaxda gaarka loo leeyahay si loo dardargeliyo horumarka qaaradda.
Madaxweynaha Burundi ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Évariste Ndayishimiye, ayaa sheegay in Afrika ay leedahay kheyraad aad u badan, balse aan weli si buuxda looga faa’iidaysan. Wuxuu ku baaqay in kheyraadka dabiiciga ah loo beddelo wax-soo-saar, warshado iyo shaqooyin, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladaha, maalgashadayaasha iyo ganacsatada.
Ndayishimiye ayaa sidoo kale ku baaqay in xiriirka Afrika uu ka gudbo iskaashi diblomaasiyadeed oo keliya, loona gudbo iskaashi dhaqaale, maalgashi iyo wax-soo-saar.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), isaga oo sheegay in heshiisku u baahan yahay kaabayaal ganacsi oo isku xiran, xuduudo fudud, nidaamyo canshuureed oo is-waafaqsan, adeegyo lacag-bixineed iyo silsilado wax-soo-saar oo isku xira dalalka qaaradda.
Madaxweynaha Masar, Cabdel Fattah Al-Sisi, ayaa dhankiisa sheegay in Afrika ay u baahan tahay inay yeelato awood dheeraad ah oo ay mustaqbalkeeda ku qaabeyso, iyadoo nabadda, xasilloonida, madax-bannaanida iyo hay’adaha dowladeed ee xooggan ay yihiin saldhigga horumar waara iyo soo jiidashada maalgashiga.
Al-Sisi ayaa sidoo kale tilmaamay in waaxda gaarka loo leeyahay ay door muhiim ah ka qaadan karto kobaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka Afrika, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo xiriirka ganacsatada Afrika, lana fududeeyo ganacsiga iyo maalgashiga ka dhex dhaca dalalka qaaradda.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha Afreximbank, George Elombi, ayaa isna xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in Afrika ay xoojiso hay’adaha maaliyadeed ee ay leedahay.
Wuxuu sheegay in hay’adaha Afrika ay awood u leeyihiin inay kaalin muhiim ah ka qaataan wax ka qabashada caqabadaha dhaqaale iyo dibadda kaga yimaada qaaradda, isagoo dalalka Afrika ugu baaqay inay sii xoojiyaan maalgelinta iyo taageerada hay’adahooda.
Ganacsade Aliko Dangote ayaa sheegay in Afrika ay u baahan tahay inay wax ka beddesho habka ay uga faa’iidaysato kheyraadkeeda. Wuxuu ku baaqay in qaaraddu ka gudubto dhoofinta kheyraadka ceeriin, isla markaana ay xoogga saarto farsamaynta iyo wax-soo-saarka gudaha si loo abuuro shaqooyin, loo kordhiyo dakhliga gudaha, loona dhiso dhaqaale adkaysi u leh dhibaatooyinka dibadda.
Dangote ayaa sidoo kale sheegay in AfCFTA uu Afrika siin karo suuq ballaaran oo dhiirrigeliya warshadaynta iyo maalgashiga, balse arrintaasi ay u baahan tahay in la yareeyo caqabadaha ka jira xuduudaha, gaadiidka, lacag-bixinta iyo xeerarka ganacsiga.
Dhanka kale, madaxa AUDA-NEPAD, Nardos Bekele-Thomas, ayaa sheegtay in Afrika aysan u baahnayn shirar badan oo keliya, balse ay u baahan tahay ficil, maalgelin iyo fulin.
Waxay ku baaqday in mashaariicda qaaradda loo diyaariyo si ay u noqdaan kuwo maalgashadayaashu maalgelin karaan, iyadoo xoogga la saarayo mashaariicda isku xira dalal iyo gobollo badan.
Guud ahaan, Alamein Africa Forum ayaa noqday madal lagu adkeeyay baahida loo qabo in Afrika ay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda, suuqa ballaaran iyo awoodda dhalinyarada, iyadoo qorshayaasha Agenda 2063 iyo AfCFTA loo beddelayo mashaariic dhab ah oo keena wax-soo-saar, maalgashi iyo shaqooyin.
Fariinta ugu weyn ee ka soo baxday madasha ayaa ahayd in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uusan ku xirnaan oo keliya tirada kheyraadka ay haysato, balse uu ku xiran yahay awoodda ay u leedahay inay kheyraadkaas u beddesho wax-soo-saar, warshado, ganacsi iyo fursado shaqo.
Si kastaba ha ahaatee Shirku wuxuu sidoo kale ku baaqay in Afrika ay xoojiso iskaashiga dhaqaale, maalgashiga gudaha qaaradda iyo awoodda hay’adaha Afrika, si loo gaaro horumar ay si weyn uga qayb qaataan dowladaha iyo ganacsatada qaaraddu.