Balanballe, Galgaduud – 4 Oktoobar 2026: Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta kormeeray xarunta ciidamada NISA ee degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo tababar loogu wado ciidamo ka tirsan hay’adda.
Agaasime Mahad Salaad ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray la kulmay ciidamada tababarka ku jira, isagoo kula dardaarmay inay si dhab ah uga dhabeeyaan waajibaadka iyo ballanta ay u qaadeen difaaca dalka, shacabka iyo diinta.
Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli NISA ay xoojineyso joogitaankeeda iyo kaabeyaasha amni ee gobolka Galgaduud. Bishii June ee sanadkan, Agaasimaha NISA ayaa Balanballe ka dhagax-dhigay xarun cusub oo loogu talagalay ciidamada hay’adda ee ka howlgeli doona degmada iyo deegaannada ku xeeran.
Agaasimaha NISA iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan Balanballe, iyadoo degmada lagu wado inay martigeliso maalmaha soo socda munaasabado iyo kulamo waaweyn oo la xiriira dib-u-heshiisiin, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Booqashada Mahad Salaad ee Galmudug ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa kulamo uu dhawaan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saaray nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowladda.