Muqdisho, 4 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mohamed Alim.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Muqdisho iyo Algiers, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo dhisi lahaa barnaamijyo iskaashi oo wax-ku-ool ah oo labada caasimadood ay si wadajir ah uga shaqeeyaan.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday fursadaha lagu horumarin karo xirfadaha shaqaalaha, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta, iyo sidii Muqdisho ay uga faa’iideysan lahayd waayo-aragnimada Aljeeriya ee maamulka iyo horumarinta caasimadaha.
Safiirka Aljeeriya ayaa Duqa Muqdisho u gudbiyay casuumaad rasmi ah oo uu ka siday Guddoomiyaha caasimadda Algiers, Mohamed Abdenour Rabhi, taas oo loogu martiqaaday Duqa Muqdisho inuu booqasho rasmi ah ku tago Aljeeriya.
Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Safiirka dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya, isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka Aljeeriya ee taageerada horumarinta iyo bilicda caasimadda Muqdisho.