U bood dhigaalka

Maamulka Soomaaliland oo Sheegay inuu Diyaar u yahay Heshiis Itoobiya Bad lagu siinayo

Oktoobar 4, 2026

Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadallo uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera, isagoo ku saabsanaa xiriirka Soomaaliland iyo Israa’iil, magaalada Berbera iyo heshiiskii is-afgaradka Itoobiya iyo Soomaaliland ee 2024.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay go’aamiso xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliland ama ay ku hadasho magaca shacabka Somaliland, sida hadalka loo dhigey.

Maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale bayaanka ku xusay taariikhda uu aaminsan yahay inay saldhig u tahay sheegashadiisa madaxbannaanida, isagoo sheegay in uu xornimada qaatay 26-kii Juun 1960, halka Soomaaliya ay xornimada qaadatay 1-dii Luulyo 1960, ayna dib ula soo noqoshada madaxbannaanida ku dhawaaqday 18-kii May 1991.

Dhinaca xiriirka Israa’iil, Maamulka Soomaaliland wuxuu sheegay in xiriirka labada dhinac uu yahay go’aan ay qaateen labada dhinac, isla markaana uu ku salaysan yahay iskaashi diblomaasiyadeed, horumar iyo xasilloonida gobolka.

Maamulka Hargeysa waxa uu sidoo kale beeniyay in magaalada Berbera loo adeegsan doono saldhig ama goob laga fuliyo weerarro ka dhan ah dalal kale.

Sidoo kale, Maamulka Soomaaliland ayaa difaacay mowqifkiisa ku aaddan heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Soomaaliland ee 2024, isagoo sheegay inuu taageersan yahay heshiisyo Itoobiya u oggolaanaya inay hesho marin badeed oo lagu gaaro iskaashi labada dhinac faa’iido u leh.

Maamulka Somaliland ayaa dhanka kale sheegay inuu diidayo faragelin lagu sameeyo heshiisyada uu la galo dhinacyada kale.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Soomaaliland ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay hanjabaadaha xoogga iyo faragelinta lagu sameynayo arrimihiisa gudaha, isagoo sheegay inuu sii wadi doono dadaallada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga uu la leeyahay dhinacyada kala duwan ee gobolka, si loo horumariyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.