U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya kama Hor istaagayso Itoobiya inay hesho Marin-badeed

Oktoobar 4, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid wanaagsan, isagoo xusay in Soomaaliya aysan Itoobiya ka hor istaageyn inay hesho marin-badeed ay u isticmaasho ganacsigeeda iyo danaha dhaqaale, balse arrintaasi ay tahay inay ku timaaddo heshiis rasmi ah oo dhex mara labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya siiso fursad ay uga faa’iidaysato marin-badeedyada Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleednimada ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu horey u soo maray khilaaf xooggan, gaar ahaan kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Soomaaliland ay gaareen horraantii 2024, kaas oo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo dhuleednimada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, labada dowladood ayaa markii dambe qaaday tallaabooyin lagu dejinayo xiisadda, waxaana la isla qaatay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in Muqdisho aysan diiddanayn baahida Itoobiya ee marin-badeed, balse isticmaalka dekedaha iyo xeebaha Soomaaliya uu u baahan yahay heshiis ay labada dhinac si buuxda u isla oggol yihiin.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya in Soomaaliya ay arrinta marin-badeedka Itoobiya u aragto mid lagu gaari karo iskaashi iyo heshiis dowladeed, halkii ay noqon lahayd tallaabo hal dhinac ah oo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa muddo dheer raadineysay marin-badeed ay ku xoojiso ganacsigeeda iyo isku-xirka gobolka, halka Soomaaliya ay dhinaceeda adkeyneyso in heshiis kasta oo arrintaas ku saabsan uu ku dhisnaado ixtiraamka madax-bannaanida iyo shuruucda caalamiga ah.