U bood dhigaalka

Mdaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma Aqbali doonto joogitaanka Israa’iil ee Dalka

Oktoobar 4, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaanka Israa’iil gudaha dalka “xaalad kasta”, isaga oo sidoo kale sheegay in Muqdisho ay ka hortagi doonto isku day kasta oo Soomaaliya lagu lug gelinayo colaadaha iyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al Jazeera, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig ciidan oo dhinaca badda ah ka samaysato magaalada Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshahaasi uu qeyb ka yahay dadaallo uu sheegay in Israa’iil ay ku doonayso inay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iran.

Berbera oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed ayaa ah magaalo deked leh oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, taas oo ay dunidu u aragto goob muhiim ah markii la eego istiraatiijiyadda Juquraafi.

Dekeddan ayaa sidoo kale ku dhow marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ay horey uga dhaceen weerarro iyo xiisado la xiriira maraakiibta iyo colaadda gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay tahay awood gobolka ka dhalisa xasillooni-darro, isagoo sidoo kale dhaliilay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka hortagi doonto tallaabo kasta oo uu sheegay inay wax u dhimi karto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in isku day kasta oo Soomaaliya lagu dhex gelinayo colaadaha Bariga Dhexe uusan guuleysan doonin, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay inay wajahdo caqabadaha ka dhasha tallaabooyinka ay Israa’iil qaaddo ama qorsheyso.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Yemen, isagoo Xuutiyiinta ku eedeeyay inay khalkhal geliyaan amniga gobolka iyo isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab. Hadallada madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha gobolka iyo amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay weli yihiin arrimo muhiim ah oo saameyn ku leh ganacsiga iyo amniga gobolka.