U bood dhigaalka

Sooyaal: Danjire Maxamed Cusmaan Cumar (1937—04 Oktoobar 2014)

Oktoobar 4, 2026

Danjire Maxamed Cusmaan Cumar wuxuu ku dhashay Xamar, 1937dii. Wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii ku soo hanaqaadday waayihii gumaysiga, kuna ababay xilligii uu dalku ku jiray marxaladdii kalaguurka ee gobannimadoonka iyo sees-u-dhiggii dawladnimada Soomaaliyeed. Isaga oo da’ yar ayuu shaqo dawladeed bilaabay, taas oo markii danbe u ibafurtay mihnad dheer oo ku suntan u-adeegidda qaranka, saxaafadda, diblomaasiyadda iyo werinta taariikhda.

Kontonnadii qarnigii tagay ayuu shaqaale ka noqday Wisaayadii Koonfureed ee Qaramada Midoobay. Shaqadiisii ugu horraysay wuxuuu ka bilaabay Boostada Guud, halkaas oo uu ka gaaray xilka Kormeeraha Guud  ee Waaxda Lacagaha. Wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii ugu horraysay ee xilalka kala wareegtay shaqaalihii Talyaaniga, xilligii ay socotay Soomaaliyaynta hay’adaha dawliga ah. Isla sannadahaas ayuu ka hawlgalay Golihii Shacabka ee Daakhiliyada (Constituent Assembly), isagoo ka mid ahaa shaqaalihii diiwaangelinayay doodaha iyo fadhiyada Golaha, xilligii loo diyaargaroobayay madaxbannaanida Soomaaliya. Hawlahaasi waxay barbilow u ahaayeen waaya-aragnimadiisii maamulka, dawladnimada iyo habraacyada hay’adaha qaranka.

Xornimadii kaddib, sannadkii 1960kii, wuxuuu ka mid noqday 41 dhallinyaro Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho loogu diray Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha. Waxay Muqdisho ka anbabaxeen, iyaga oo sii maray Rooma, Fiyeena, Baraag iyo Moosko, dabadeedna tareenka Trans-Siberian ku tegay Biijiin, oo ay gaareen bartamihii Nofeenbar 1960. Muddadii uu Shiinaha joogay wuxuu ku bartay afka Jayniiska (Mandarin), isagoo isla markaana aqoonkororsi iyo waaya-aragnimo nololeed ka helay bulsho, dhaqan iyo habnololeed ka duwanaa kuwii uu ku soo barbaaray. Safarkaasi wuxuu ka mid noqday waayihii waxbarasho ee raadadka muuqda ku reebay noloshiisii danbe, gaar ahaan, ku-xeeldheeraantii afafka iyo lamacaamilkii bulshooyinka kala geddisan.

Bilowgii 1962dii ayuu Soomaaliya ku soo laabtay. Maalin keli ah kaddib soo-noqoshadiisii ayuu wariyanimo kaga shaqo bilaabay Wasaaraddii Warfaafinta, isagoo noqday wariyaha baarlamaanka ee wargeyskii af Talyaaniga ku soo bixi jiray ee Il Corriere della Somalia. Bartamihii lixdannadii ayuu ka hawlgalay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA), halkaas oo uu ka qabtay xilal kala duwan, uuna mar noqday Siihayaha Madaxa Wakaaladda. Waxa kale oo uu warar u diri jiray wakaalado wararka caalamka  gudbiya.

Shaqadiisii saxaafadeed waxay u sahashay inuu si dhow ula socdo geeddisocodkii siyaasadeed ee Jamhuuriyaddii curdinka ahayd, fadhiyadii baarlamaanka, isbeddelladii maamulka iyo doodihii la xiriiray dhismaha dawladnimada. Sidaas ayuu ku kasbaday waayo-aragnimo uu markii danbe ka anbaqaaday shaqadiisii diblomaasiyadeed iyo qoraalladiisii taariikhiga ahaa. Waxa uu marba dhinac ka dersayay siyaasaddii dalka, isagoo dhacdooyin badan goobjoog u ahaa, kuwo kalena xogtooda ururinayay.

Intii uu saxaafadda ka shaqaynayay, waxa uu safarro ku tegay dibedda. Anita S. Adam, oo ay SONNA ka wadashaqayn jireen, waxay xustay in safar uu Maraykanka ku tegay 1963 uu kaga qaybgalay socodkii taariikhiga ahaa ee March on Washington for Jobs and Freedom, oo lagu qabtay Washington, D.C., 28kii Agoosto 1963kii. Socodkaasi wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii waaweynaa ee halgankii xuquuqda madaniga  ee Maraykanka. Sannadkii 1965, markii uu siihayaha SONNA ahaa, wuxuu, sidoo kale, ka mid noqday wafdi Wasiirkii Warfaafinta u raacay Maraykanka.

1967dii ayuu ku biiray diblomaasiyiintii Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. 13kii Jannaayo 1968 ayuu Landhan (London) gaaray, isagoo la socday Danjire Axmed Jaamac Cabdille (Jangali). Hawshiisii diblomaasiyadeed ee ugu horraysay wuxuu ku bilaabay darajada Attaché, waxaana loo xilsaaray maamulka, maaliyadda iyo saxaafadda safaaradda. 1968–1972 wuxuu ka hawlgalay safaaradihii Soomaaliya ee UK iyo Shiinaha, isagoo Landhan ka noqday Uqaybsanaha Maamulka, Biijiinna ka soo qabtay xilka Xoghayaha Koowaad.

Muddadii uu Biijiin joogay, wuxuu ku sugnaa Shiinaha xilligii booqashadii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee sannadkii 1972. Aqoontiisii af Jayniiska, oo uu safarkiisii waxbarasho ku soo bartay, ayaa qayb ka ahayd waxtarkii uu ku lahaa hawlaha safaaradda. Sidaas ayuu marxaladdii hore ee mihnaddiisa diblomaasiyadeed uga soo dhammaystay laba xarumood oo mug weyn ku lahaa xiriirkii dibedda ee Soomaaliya.

Markii uu dalka ku soo laabtay, wuxuu ka mid noqday saraakiishii Waaxda Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda. 1972–1976 waxa uu ahaa Madaxa Habmaamuuska (Chief of Protocol) ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, xilkaas oo uu mar kale qabtay sannadkii 1980. Isaga qudhiisu wuxuu xusay inuu guud ahaan ku dhowaad lix sano iyo bar soo hayay xilkaas.

Muddadii uu hoggaaminayay Waaxda Habmaamuuska, wuxuu ku hawllanaa nidaaminta, hagidda iyo isku-dubbaridka booqashooyinka madaxda dawladaha, soodhowaynta wufuudda caalamiga ah, xiriirka safaaradaha iyo habsami u socodka hawlaha habmaamuuska qaranka. Waxay ahayd hawl u baahnayd xilkasnimo, waaqacfahan, aqoon durugsan oo habraacyada diblomaasiyadda ah iyo ku-xeeldheeraan xiriirka dawladaha.

Hawlaha WAAWEYN ee aan ku xusuusan karno Danjire Maxamed Cusmaan Cumar waxaa ka mid ah kaalintii uu ku lahaa furiddii iyo sees-u-dhiggii Safaaradda Soomaaliya ee Tansaaniya, oo uu markii danbe ka hawlgalay, inkastoo faahfaahinta kaalintiisa furitaanka safaaraddaasi ay weli u baahan tahay maragsugid dheeraad ah.

Waxaase si gaar ah loogu xusuustaa sidii uu u maamulay, una hagay, isaga oo dabcanna kaashanaya saraakiishii Waaxda Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, habsami-u-socodka iyo qabsoomidda Shirmadaxeedkii Ururkii Midnimada Afrika (OAU) ee lagu qabtay Muqdisho, sannadkii 1974tii. Wuxuu ka mid ahaa dadkii garwadeenka ka ahaa hawlaha habmaamuuska iyo qabanqaabada shirkaas, oo ahaa dhacdo mug weyn ku lahayd sooyaalkii diblomaasiyadda Soomaaliya. Shirkaasi waxa uu ahaa mid ka mid ah shirarkii caalamiga ahaa ee ugu waaweynaa ee Muqdisho martigeliso xilligii dawladdii dhexe, waxaana hirgelintiisa gacan weyn ka geystay hay’adihii iyo saraakiishii loo xilsaaray qabanqaabadiisa.

Bishii Juun 1976, waxa loo diray Dehraan (Tehran), caasimadda Iiraan, isagoo ahaa Chargé d’Affaires. Waxa loo xilsaaray yagleeliddii safaaraddii joogtada ahayd ee ugu horraysay ee Soomaaliya ku yeelato Iiraan, inta laga magacaabayo danjire rasmi ah. Hawshaasi waxay ahayd seesudhig hay’adeed oo isugu jiray diyaarinta xarunta safaaradda, nidaaminta shaqadeeda iyo hirgelinta hawlihii xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Intii u dhexaysay 1976–1979, waxa uu xilal diblomaasiyadeed, oo ay ku jirto la-talintii koowaad, ka soo qabtay safaaradihii Soomaaliya ee Iiraan iyo Tansaaniya. Bilowgii 1978dii ayuu gaaray Daarusalaam (Dar es Salaam), halkaas oo ay xilligaas ku taallay xarunta Guddiga Xoraynta ee Ururkii Midnimada Afrika. Tansaaniya waxay markaas ahayd saldhig muhiim u ah dhaqdhaqaaqyadii gobannimadoonka Afrika iyo dadaalladii loogu jiray xoraynta dalalkii weli ku jiray gacanta gumaysiga. Sidaas darteed, hawlihiisii halkaasi waxay ku soo beegmeen marxalad ay diblomaasiyadda Afrika ku foorartay arrimaha gobannimada iyo isgarabsiinta dalalka qaaradda.

Sannadkii 1979kii, waxa uu muddo kooban ka shaqeeyay Belgarayd (Belgrade), isaga oo qayb ka ahaa hawlihii seesudhigga Safaaradda Soomaaliya ee Yugoslavia. Jannaayo 1980 ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waxaana mar kale loo magacaabay Madaxa Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Hawshaas wuxuu sii waday ilaa 1982dii, markaas oo uu u gudbay heerkii ugu sarreeyay ee mihnaddiisa diblomaasiyadeed.

1982dii waxa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan, xaruntiisuna waxay noqotay Kharduun (Khartoum). Magacaabistaasi waxay ku soo beegantay xilli uu muddo 22 sano ah ka soo shaqaynayay hay’adaha dawladda, 15 sannadoodna ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Suudaan waxa uu danjire ka ahaa ilaa bartamihii 1986dii, isagoo muddadaas Soomaaliya u metelayay dalkaas.

Bishii Luulyo 1986 waxa uu noqday Danjiraha Soomaaliya ee Yugoslavia, isagoo fadhiisinkiisu ahaa Belgarayd, oo uu hore uga soo shaqeeyay. Yugoslavia waxay xilligaas ka mid ahayd dalalkii miisaanka ku lahaa dhaqdhaqaaqii dalalka dhexdhexaadka ahaa (Non-Aligned Movement). Waxa uu xilkaas hayay ilaa 1989kii, markaas oo loo wareejiyay saldhig kale oo diblomaasiyadeed.

Bishii Juun 1989 waxa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya, xaruntiisuna waxay ahayd Niyuu Delhi (New Delhi). Isla muddadaas waxa uu Soomaaliya danjire uga ahaa Sri Lanka iyo Singapore. Waxa uu xilkaas ku jiray markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991. Burburkaasi waxa uu ahaa dhacdo si toos ah u saamaysay hawshii uu qaranka u hayay, waxaana waayahaas iyo dhacdooyinkii ka horreeyay uu si qoto dheer uga warramay buuggiisii The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction. Buuggaas waxa uu qayb weyn ka qoray Niyuu Delhi, isaga oo isku dubbariday xusuustiisii, waaya-aragnimadiisii iyo dhacdooyinkii siyaasadeed ee uu goobjoogga u ahaa.

Sidaas darteed, in badan oo noloshiisa ka mid ah waxa uu ahaa diblomaasi, isagoo ka soo shaqeeyay Landhan (London), Biijiin (Beijing), Dehraan (Tehran), Daarusalaam (Dar es Salaam), Kharduun (Khartoum), Belgarayd (Belgrade) iyo Niyuu Delhi (New Delhi). Saddexda xarumood ee ugu danbeeya ayuu si rasmi ah danjire uga ahaa, halka kuwii hore uu xilal kale oo diblomaasiyadeed ka soo qabtay. Waa geeddisocod shaqo oo muujinaya sida uu uga soo gudbay hawlihii maamulka iyo saxaafadda ilaa heerkii danjiranimada, isaga oo marxalad kasta la soo kulmay duruufo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo kala geddisan.

Burburkii dawladdii dhexe ka dibna kama uusan harin hawlaha diblomaasiyadda iyo u-adeegidda dalka. Muddadii u dhexaysay 2000–2004, xilligii maamulkii Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan, waxa uu ka shaqaynayay arrimaha xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxaa kale oo lagu xusuustaa furitaankii Safaaradda Soomaaliya ee Tuunis, oo Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, oo ay wadashaqayn jireen, si gaar ah ugu xusay tacsidii laga qoray geeridiisa. Hawlahaasi waxay muujinayaan inuu sii anbaqaaday shaqadii uu muddada dheer ku soo dhex jiray, xitaa xilligii ay hay’adihii dawladda Soomaaliyeed burbureen.

Wuxuu ahaa luuqadaale (multilingual speaker), isagoo ku hadli jiray afaf dhawr ah, sida af Soomaali, af Carabi, af Ingiriisi, af Talyaani iyo af Jayniis (Mandarin). Waxa kale oo uu aqoon u lahaa af Isbaanish, af Faransiis iyo af Hindi. Aqoontiisa afafka, aqoonkororsigii uu dibedda ku soo sameeyay iyo waaya-aragnimadii uu bulshooyinka kala duwan ka helay ayaa qayb ka ahaa garaadkobcintiisa iyo fahamkii uu u lahaa dhaqammada, siyaasadaha iyo xiriirka dawladaha.

Dhan kale, Danjire Maxamed wuxuu ahaa qoraa iyo taariikhyahan ruugcaddaa ah—waana ii sharaf ah in aan ku bartay akhrinta buugaggiisa. Qalin macaan iyo af Ingiriisi fudud buu iigu suntan yahay. Qoraalladiisa waxa si gaar ah loogu gartaa taariikhwerin hufan, habwarineed dhiirran iyo gorfayn uu ku laray waaya-aragnimadii uu shaqadiisa ka dhaxlay. Wuxuu isku soohi jiray dhacdooyinkii uu goobjoogga u ahaa, xusuustiisii shakhsiga ahayd iyo xogihii uu ka soo ururiyay ilaha taariikheed, isagoo akhristaha u furayay dariiq uu ku fahmi karo sooyaalkii siyaasadeed ee Soomaaliya, marxaladihii dawladdhisku soo maray iyo sida taaganta loo fahmi karo. 

Qoraalladiisa waxaa ka dhex muuqda dadaal uu ku raadraacayay dhacdooyinkii gumaysiga, halgankii gobannimadoonka, dhismihii dawladnimada, xiriirkii dibedda iyo sababihii horseeday burburkii dawladdii dhexe. Qayb ka mid ah waxsoosaarkiisu waa xusuusqor ku salaysan xog uu gacantii kowaad ka helay, halka qaybaha kalana ay yihiin cilmibaaris taariikheed oo uu ku dhiraandhiriyay dhacdooyin, ku kala miiray xogaha, kuna lafaguray siyaasadihii iyo duruufihii dalka soo maray. Sidaas ayay qoraalladiisu isugu noqdeen xusuusqor nololeed, maragfur taariikheed iyo dhaxal aqooneed.

Wuxuu qoray buugag ay ugu magacdheer yihiin The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction (1992), oo ah xusuusqor taariikheed uu kaga warramayo waayihii siyaasadeed ee Soomaaliya iyo geeddisocodkii horseeday burburkii dawladda; Somalia: A Nation Driven to Despair: A Case of Leadership Failure (1996), oo uu ku lafaguray hoggaankii siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii ka dhashay burburkii qaranka; The Scramble in the Horn of Africa: History of Somalia, 1827–1977 (2001), oo ah dhigaal taariikheed mug weyn; Somalia: Between Devils and Deep Sea (2004), oo uu ku gorfeeyay dhacdooyinkii Geeska Afrika iyo duruufihii Soomaaliya; iyo Somalia: Past and Present (2006), oo dibujaleecis ku samaynaya sooyaalkii Soomaaliya, laga soo bilaabo waayihii gumaysiga ilaa marxaladihii siyaasadeed ee xigay.

Waxaa kale oo uu qoray buugga af Soomaali ah ee Diblomaasiyad iyo Habmaamuus, kaas oo ka hadlaya diblomaasiyadda iyo habmaamuuska dawladnimo. Waa buugga keliya ee aan markii hore ogaa inuu af Soomaali ku qoray. Hasayeeshee, waxaa jira Somaaliya: Horay iyo Hadda, oo ah nooca af Soomaaliga ee Somalia: Past and Present, kuna jira Kaydka Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Jaamacadda Roma Tre. Buuggaasi wuxuu ka midyahay qoraalladiisa ku saabsan sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhacdooyinkii raadadka waaweyn ku reebay dalka.

Buugaggiisa waxaa si gaar ah uga dhex muuqda The Scramble in the Horn of Africa: History of Somalia, 1827–1977, oo uu ku ururiyay xog taariikheed iyo dukumentiyo badan oo uu ka soo raadraacay kaydadka caalamiga ah. Ilaha uu u cuskaday cilmibaaristiisa waxaa ka mid ahaa Kaydka Qaranka Hindiya, Maktabadda Qaranka Talyaaniga, Machadkii ISIAO, Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska, kaydadka madxafyada dagaalka iyo ciidammada cirka ee Ingiriiska iyo Maktabadda Congress-ka Maraykanka.

Habkaas cilmibaariseed waxa uu muujinayaa dadaalkii uu geliyay baadisoocidda xogaha, raadraaca ilaha, maragsugidda dhacdooyinka iyo isku dubbaridka dukumentiyada taariikheed. Halkii uu ku ekaan lahaa xusuuskaashi iyo wartebin afeed, wuxuu iskudayay inuu dhigo taariikh ku qotonta xog, maragfur iyo dukumentiyo ay akhristayaasha iyo cilmibaarayaasha dambe dib ugu noqon karaan. Waxa uu sidaas ku kaydiyay qayb ka mid ah xusuusta ummadeed, isagoo dhacdooyin badan oo halmaan taariikheed geli karay ku soo bandhigay qoraal iyo caddaymo raadraac leh.

Waxaa kale oo qoraalladiisa laga dheehan karaa aragtidiisii ku aaddan qaranimada, dawladnimada iyo aaya-ka-talinta Soomaaliyeed. Intii uu diblomaasiyadda ku soo jiray waxa uu la kulmay hoggaamiyeyaal, saraakiil iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalal badan, waxaana waaya-aragnimadaasi u noqotay il uu ka ambaqaado milicsigiisa taariikheed. Taariikhayntiisu, sidaas darteed, kuma koobnayn soo tebinta dhacdooyinkii hore; waxa kale oo ay xambaarsanayd gorfayn ku saabsan hoggaanka, danaha qaranka iyo casharradii laga baran karay waayihii Soomaaliya soo martay.

Dhanka kale, Danjire Maxamed wuxuu ahaa nin ku dheggan dhaqankiisii iyo sooyaalkiisii Reer Xamar. Anita S. Adam, oo muddo dheer taqaannay, waxay ku tilmaantay nin bulshaawi ah, martisoorka jecel, sheeko iyo maad badan, aqoon dheerna u lahaa dhaqanka iyo taariikhda bulshada Reer Xamarka ah. Wuxuu ka soo jeeday beesha Shaanshi, oo ka mid ah beelaha Reer Xamar, waxaana lagu xusuustaa sida uu ugu faani jiray sooyaalka bulshadiisa, gaar ahaan kaalintii ay ku lahayd fidinta diinta Islaamka, dhaqanka magaalooyinka Banaadir iyo halgankii gobannimadoonka.

Wuxuu jeclaa inuu dadka la wadaago sheekooyin iyo xusuus ku saabsan noloshii hore, dhaqankii magaalada iyo waayihii uu ku soo barbaaray. Waxaa kale oo lagu xusuustaa martisoorkiisa iyo habka uu dadka ula dhaqmi jiray. Sifooyinkaas shakhsiyadeed waxay dhinac kale ka iftiiminayaan taariikhnololeedkiisa, oo inta badan lagu derso xilalkii uu soo qabtay iyo qoraalladii uu ka tegay.

Noloshiisa qoys, wuxuu muddo ka badan nus qarni la noolaa xaaskiisii Mana, oo geeriyootay 2009kii. Waxay isu dhaleen shan wiil iyo laba gabdhood. Qoyskiisa iyo dadkii aqoonta u lahaa waxay xusuustaan noloshiisii shakhsiga ahayd, saaxiibbadiisna waxay ka marag fureen waxqabadkiisii, aqoontiisii iyo kaalintii uu ku lahaa u-adeegidda dalka.

Marka laga yimaaddo shaqadii uu qaranka u qabtay, waxsoosaarkiisa qoraaleed waxaa loo arki karaa dadaal uu ku badbaadinayay qayb ka mid ah xusuusta ummadeed iyo dhaxalka taariikheed ee Soomaaliya. Wuxuu diiwaangeliyay dhacdooyin, ururiyay xog iyo dukumentiyo, dhiraandhiriyay siyaasado, isla markaasna ka tegay xusuusqor iyo dhigaallo taariikheed oo ay jiilasha danbe ka anbaqaadi karaan aqoonraadis iyo cilmibaaris cusub. Kaydinta dhaxalka qoraalka ahi ma aha oo keliya dhowrista buug ama waraaq duug ah; sidoo kale, waa dhowrista caddaymaha iyo xusuusta lagu raadraaci karo sooyaalka bulsho iyo geeddisocodka nolosheeda.

Alle ha u naxariistee, Danjire Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu Landhan ku geeriyooday 4tii Oktoobar 2014, isaga oo 77 jir ah. Geeridiisu waxay soo afmeertay nolol dheer oo ku suntan xilgudasho, u-adeegid qaran, diblomaasiyad iyo taariikhwerin.

Wuxuu ka tegay dhaxal aqooneed iyo raad taariikheed oo mudan in la dhowro, la derso, lana sii taabbageliyo. Buugaggiisa iyo xusuusqorradiisu waa ilo laga tisqaadi karo qaybo ka mid ah sooyaalkii siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, laga soo bilaabo waayihii wisaayada ilaa burburkii dawladdii dhexe. Waxa kale oo ay qayb ka yihiin silsiladda aqooneed ee jiilba jiilka ka danbeeya u dhiibo xogta, xusuusta iyo waaya-aragnimada qaranka, si aysan ugu lumin halmaan taariikheed.

Danjire Maxamed Cusmaan Cumar, sidaas darteed, wuxuu ugu horreeyaa Soomaalida farakutiriska ah ee qayb noloshooda ka mid ah ku soo qaatay, shaqadoodana kaga qaybqaatay, marxalado waaweyn oo taariikhda dalka ah; dabadeedna ku dadaalay inay dhacdooyinkaasi yeeshaan kayd qoran oo laga dhaxlo aqoon, waaya-aragnimo iyo cibaaro taariikheed.