U bood dhigaalka

DEG-DEG: Abiy Axmed oo markii saddexaad loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Oktoobar 5, 2026

ADDIS ABABA — 5 Oktoobar 2026: Baarlamaanka cusub ee Itoobiya ayaa maanta mar kale u doortay Abiy Axmed inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalka, taas oo ka dhigan in uu xilka hoggaanka xukuumadda Itoobiya hayo xilli-hawleedkiisii saddexaad.

Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay xilka Ra’iisul Wasaaraha qabtay 2018, waxaana dib loogu doortay 2021, kaddib doorashadii baarlamaanka ee dalka.

Doorashadan cusub ayaa timid kaddib markii Xisbiga Prosperity Party, oo uu hoggaamiyo Abiy Axmed, uu guul weyn ka gaaray doorashadii baarlamaanka ee 2026.

Baarlamaanka cusub ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa, iyadoo sidoo kale Axmed Shide, oo hore u ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka.

Abiy Axmed ayaa hadda wajahaya muddo-xileed cusub oo shan sano ah, xilli Itoobiya ay ku jirto marxalad siyaasadeed iyo dhaqaale oo muhiim ah, iyadoo dowladda looga baahan yahay inay wax ka qabato arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka.