Ku dhowaad 2,800 qof ayaa hal maalin gudaheed ka barakacay 10 tuulo oo ku yaalla gobolka Blue Nile ee koonfur-bari Suudaan, kaddib markii ay sii xumaadeen xaaladaha amni ee deegaanka.
Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), dadkaasi waxay ka carareen deegaannadooda, iyadoo amni-darrada sii kordheysa ay ku qasabtay qoysas badan inay raadsadaan goobo ay ku helaan badbaado.
Barakaca cusub ayaa kusoo beegmaya xilli Suudaan uu weli wajahayo xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, iyadoo colaadaha iyo amni-darradu ay sababeen in malaayiin qof ay ka qaxaan guryahooda.




From the comments