U bood dhigaalka

Ku dhowaad 2,800 qof oo hal Maalin gudaheed uga Barakacay Gobalka Blue Nile ee Suudaan

Oktoobar 5, 2026

Ku dhowaad 2,800 qof ayaa hal maalin gudaheed ka barakacay 10 tuulo oo ku yaalla gobolka Blue Nile ee koonfur-bari Suudaan, kaddib markii ay sii xumaadeen xaaladaha amni ee deegaanka.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), dadkaasi waxay ka carareen deegaannadooda, iyadoo amni-darrada sii kordheysa ay ku qasabtay qoysas badan inay raadsadaan goobo ay ku helaan badbaado.

Barakaca cusub ayaa kusoo beegmaya xilli Suudaan uu weli wajahayo xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, iyadoo colaadaha iyo amni-darradu ay sababeen in malaayiin qof ay ka qaxaan guryahooda.

Gobolka Blue Nile ayaa ka mid ah deegaannada ay saameeyeen colaadaha iyo dhaq-dhaqaaqyada amni, waxaana barakaca cusub uu kordhin karaa baahida loo qabo gargaar bani’aadannimo, hoy iyo adeegyo aasaasi ah.

IOM ayaa sheegtay in xaaladda amni ee sii xumaanaysa ay sababtay barakacan degdegga ah, iyadoo aan weli la ogeyn muddada ay dadkaasi ku maqnaan doonaan deegaannadooda.

Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha gargaarka ayaa wajahaya caqabado sii kordhaya oo ku saabsan sidii loo gaarsiin lahaa dadka barakacay adeegyada iyo taageerada ay u baahan yihiin.