U bood dhigaalka

Madaxda Soomaaliya,  Masar, Eritrea, iyo Suudaan oo ku baaqay xal Siyaasadeed

Oktoobar 5, 2026

Mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee Soomasliya, Masar, Eritrea, Masar, iyo Suudaan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku baaqayaan in colaadaha ka socda gobolka lagu dhammeeyo wada-hadal iyo xalal siyaasadeed, xilli dagaalladu ka sii xoogeysanayaan Suudaan iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Suudaan Abdel Fattah al-Burhan ayaa kulmay Axaddii magaalada New Alamein ee dalka Masar, halkaas oo ay ka soo saareen bayaanka wadajirka ah.

Bayaanka ayaa si gaar ah u taageeray in colaadda Suudaan lagu dhammeeyo hannaan siyaasadeed oo ay hoggaaminayaan dhinacyada Suudaan, iyadoo dalkaasi uu dagaal kula jiray tan iyo Abriil 2023 ciidamada dowladda iyo ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF.

Afarta dal ayaa sidoo kale sheegay in maamulka iyo amniga Badda Cas ay tahay inay door weyn ku yeeshaan dalalka xeebaha leh, arrintaas oo ku soo beegmaysa dadaallada Itoobiya ay ku doonayso inay ku hesho marin ganacsi iyo joogitaan badeed, maadaama Itoobiya ay tahay dal aan bad lahayn.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in Soomaaliya aysan diiddanayn in Itoobiya hesho marin ganacsi oo ay isticmaasho dekedaha Soomaaliya, balse uu shardi yahay in arrintaasi lagu heshiiyo Soomaaliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale ka hadlay muranka ka dhashay Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee Renaissance Dam, iyadoo Masar iyo Suudaan ay ka digeen tallaabooyin hal dhinac ah oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelan karaan dalalka ku teedsan webiga Nile.
Kulanka afarta dal ayaa ku soo beegmay xilli dagaallo culus ay ka socdaan Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada dowladda federaalka iyo isbahaysi hubeysan oo ka kooban dhowr kooxood ay isku hayaan dagaallo cusub.

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa xulafada la ah ayaa Axaddii dib ula wareegay magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray, kadib markii TPLF ay sheegtay inay si ku-meel-gaar ah uga baxday magaalada, ayna hawlgalladeeda ka sii wadi doonto meel kale.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeeyay inay taageerayso isbahaysiga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda federaalka. Eritrea ayaa beenisay eedeymahaas, iyadoo wasiirka warfaafinta Eritrea uu sheegay in Addis Ababa ay isku dayayso inay abuurto marmarsiiyo ay Eritrea ku weerarto.

Hoggaamiyeyaasha afarta dal ayaa, iyadoo xaaladdu sidaas tahay, xoogga saaray muhiimadda wada-hadalka, xasilloonida gobolka iyo xal siyaasadeed, xilli colaadaha Suudaan iyo Itoobiya ay saameyn ku yeelan karaan amniga guud ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.