U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Xoojinta Xariirka iyo Amniga Badda Cas

Oktoobar 5, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Maxamed Al-Mould, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xariirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dal.

Wada-hadallada ayaa si gaar ah loogu eegay dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal iyo in la abuuro fursado cusub oo maalgashi.

Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha iyo Safiirka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay amniga Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga iyo isu-socodka gobolka iyo caalamkaba.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada dal ay leeyihiin xiriir muddo dheer soo jiray oo ku saleysan iskaashi iyo dano wadaag.