Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Maxamed Al-Mould, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xariirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dal.
Wada-hadallada ayaa si gaar ah loogu eegay dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal iyo in la abuuro fursado cusub oo maalgashi.




From the comments