Guddiga heshiiska difaaca ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya magaalada Riyadh, iyadoo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda saddexda dal ay ka qeybgalayaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in kulanka looga hadli doono xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, iyo heerka uu marayo dadaalka lagu dhisayo, laguna xoojinayo qaab-dhismeedka hay’adaha ee isbahaysiga saddexda dal.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda amni ee gobolka ay sii xasaasiyeynayso, gaar ahaan dagaalka Yemen iyo howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta.
Sida ay Reuters werisay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yasar Guler iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, General Selcuk Bayraktaroglu, ayaa ka qeybgalaya shirka, iyadoo sidoo kale ay joogaan mas’uuliyiin ka socda Sacuudiga iyo Pakistan.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu falanqeeyo soo jeedin la xiriirta in Xuutiyiinta Yemen lala yeesho wada-hadallo siyaasadeed, ayadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan uu hore u sheegay in Iran ay soo jeedisay in si siyaasadeed loola macaamilo Xuutiyiinta kaddib weerarradii ay geysteen.
Dhinaca kale, hoggaamiyaha dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa ku dhawaaqay bilowga howlgal militari oo ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu qabsado dhul ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan.
Heshiiskan saddex geesoodka ah ayaa muhiimad gaar ah yeelanaya xilli Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ay doonayaan inay xoojiyaan iskaashigooda dhinacyada difaaca, amniga iyo siyaasadda, iyadoo xaaladda Bariga Dhexe iyo gaar ahaan Yemen ay weli tahay arrin si dhow loola socdo.