U bood dhigaalka

Kumuu ahaa Maxamed Cawaale Liibaan: Ninkii Naqshadeeyay Calanka Soomaaliya ?

Oktoobar 12, 2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xusaysaa Maalinta Calanka Qaranka, oo ah maalin xusuus gaar ah u leh taariikhda, midnimada iyo halgankii ay ummadda Soomaaliyeed u soo martay Madax-bannaanideeda.

Maalintan waxaa si gaar ah loo xusuustaa Maxamed Cawaale Liibaan, oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo naqshadeeyay calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh, kaas oo noqday astaanta qarannimada Soomaaliya.

Maxamed Cawaale Liibaan wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sannadkii 1919-kii, xilli qaybo badan oo dhulka Soomaaliyeed ay ku hoos jireen maamullo gumeysi, waxaana lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay samaynta astaan qaran oo muujinaysay himiladii Soomaalida ee midnimada iyo xorriyadda.

Sannadkii 1954-kii ayuu naqshadeeyay calanka Soomaaliyeed, xilli dhaqdhaqaaqyada gobannimo-doonku ay sii xoogeysanayeen, waxaana calankaasi noqday astaan ay Soomaalidu ku muujiso aqoonsigeeda iyo rabitaankeeda dowladnimo.

Calanka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay maro buluug khafiif ah iyo xiddig cad oo shan gees leh oo ku taalla bartamaha, ayadoo Xiddigta taariikh ahaan lala xiriiriyo shanta qaybood ee dhulka ay Soomaalida, kuwaas oo kala ah qeybtii Talyaanigu gumaysan jiray, Soomaalidii Ingiriisku gumaysan jiray, Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo NFD oo maanta hoostagta Kenya.

Arrintani waxay muujinaysay himiladii midnimada Soomaalida ee ku kala baahsanaa xuduudihii gumeysiga, waxaana Calanka la qaatay 12-kii Oktoobar 1954-kii, ayadoo markii dambe loo aqoonsaday astaanta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya markii dalka uu xornimada qaatay sannadkii 1960-kii.

Maxamed Cawaale Liibaan kuma koobnayn oo keliya naqshadaynta calanka, balse wuxuu sidoo kale ka qayb qaatay maamulka dowladdii Soomaaliyeed ee curdinka ahayd.

Intii u dhexeysay 1960-kii ilaa 1967-kii, wuxuu xil ka soo qabtay madaxtooyada Soomaaliya, xilligii madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan, oo loo yaqaanay Aadan Cadde.

Sannadihii 1967-kii ilaa 1969-kii, xilligii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Liibaan wuxuu ahaa agaasimaha guud ee shaqaalaha dowladda, xilkaas oo ahaa mid muhiim ah oo la xiriiray maamulka shaqaalaha rayidka ah.

Sannadkii 1969-kii waxaa Soomaaliya ka dhacay afgambi militari oo soo afjaray nidaamkii dowladnimo ee rayidka ahaa, kaddibna dalka galay marxalad siyaasadeed oo cusub, Maxamed Cawaalana wuxuu ka fariistay shaqadii dowladda kaddib isbeddelkaas.

Sannadkii 1991-kii, markii Soomaaliya ay gashay dagaal sokeeye oo sababay burburkii dowladdii dhexe, Maxamed Cawaale Liibaan wuxuu u haajiray dalka Kanada, asagoo markii dambe ku geeriyooday magaalada Toronto 5-tii Juun 2001-dii, xilligaas oo uu ahaa 82 jir.

Inkasta oo uu geeriyooday in ka badan labaatan sano ka hor, haddana dhaxalkiisii ayaa weli muuqda, maadaama calankii uu naqshadeeyay uu yahay astaanta ugu weyn ee lagu aqoonsado qaranka Soomaaliyeed.

Maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo sanad kasta la xuso 12-ka Oktoobar, waxay fursad u tahay in dib loo milicsado taariikhda calanka iyo dadkii ka qayb qaatay samayntiisa.

Calanku ma aha oo keliya maro buluug ah oo xiddig cad dhexda kaga taallo, balse waa astaan xambaarsan taariikh, halgan iyo himilooyinkii ay Soomaalidu u soo martay inay hesho dal madax-bannaan, halka Maxamed Cawaale Liibaan uu ka mid yahay shakhsiyaadka raadkoodu ku waari doono taariikhda dalka.