U bood dhigaalka

Waa Tuma Sagal Cabdi-Waali: Gabadha Soomaaliyeed ee kamid Noqatay Baarlamaanka Britain?

Oktoobar 12, 2026

Sagal Cabdi-Waali, oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, ayaa noqotay mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee taariikhda ku yeeshay siyaasadda Britain, kaddib markii ay qaxooti ahaan dalkaas ku timid iyadoo yar, balse sannado kaddib ku guuleysatay inay xubin ka noqoto Baarlamaanka Britain.

Sagal waxay Britain tagtay horraantii sagaashamaadkii, xilli Soomaaliya ay ka jirtay dagaal sokeeye, waxayna markaas ahayd gabar yar oo ay weheliyeen hooyadeed iyo afar walaalaheed ah, kuwaas oo dalkooda uga soo cararay colaadaha, iyagoo raadinayay nolol nabdoon iyo mustaqbal wanaagsan.

Qoyskeedu waxay degeen waqooyiga London, gaar ahaan deegaanka Camden, halkaas oo ay ku soo barbaartay kuna dhisatay nolosheeda cusub. Markii ay Britain timid, kuma hadli jirin luuqadda Ingiriisiga, balse waxay si tartiib tartiib ah ula qabsatay bulshada iyo deegaanka cusub.

Waayo-aragnimadii qaxootinimada iyo caqabadihii qoyskeedu la kulmeen ayaa qayb ka noqday fahamkeeda ku aaddan baahiyaha dadka nugul iyo muhiimadda ay leedahay in bulshadu hesho taageero iyo fursado nololeed.

Ka hor inta aysan siyaasadda si rasmi ah u gelin, Sagal waxay ka shaqaynaysay arrimaha bulshada, iyadoo ka qayb qaadatay hawlo samafal iyo taageerada qoysaska iyo dhallinyarada.

Waxay sidoo kale khibrad ka heshay maamulka dugsiyada iyo hay’adaha bulshada, taas oo u sahashay inay si dhow u fahanto dhibaatooyinka la xiriira guryaha, hoy la’aanta iyo fursadaha shaqo.

Sannadkii 2022 ayay xubin ka noqotay Golaha Deegaanka Camden, iyadoo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Labour Party, waxayna sii xoojisay kaalinteeda siyaasadeed, waxaana bishii May 2026 loo doortay hoggaamiyaha Golaha Deegaanka Camden, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee xilkaas qabata.

Fursad kale ayaa u furantay markii uu bannaanaaday kursiga baarlamaanka ee deegaanka Holborn and St Pancras, kaddib markii Keir Starmer uu ka tagay kursigaas bishii Sebtembar 2026.

Xisbiga Labour Party ayaa Sagal u doortay musharraxiisa doorashada ku-meel-gaarka ah ee deegaankaas, taas oo qabsoontay 8-dii Oktoobar 2026.

Natiijadii doorashada ayaa Sagal u noqotay guul weyn, iyadoo heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45.3 boqolkiiba codadka la dhiibtay, waxayna ka guuleysatay Zack Polanski, hoggaamiyaha Xisbiga Cagaaran, oo helay 8,928 cod.

Guushaas ayaa u suurtagelisay inay noqoto xildhibaanka cusub ee deegaanka Holborn and St Pancras, kaas oo ku yaalla waqooyiga magaalada London.

Ololaheeda doorashada, Sagal waxay xoogga saartay arrimaha guryaha, hoy la’aanta iyo sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo, ayadoo sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in dadka deegaanka ay helaan matalaad siyaasadeed oo fahamsan duruufahooda iyo baahiyahooda.

Khibraddeeda Golaha Deegaanka Camden ayaa qayb weyn ka qaadatay ololaheeda, iyadoo ballanqaadday inay codka dadka deegaanka gaarsiin doonto heer qaran.

Sheekada Sagal Cabdi-Waali waxay tusaale u tahay safar nololeed ka soo bilaabmay qaxootinimo, kuna dhammaaday guul siyaasadeed oo heer qaran ah.

Waxay ka gudubtay caqabadihii la xiriiray barakaca iyo la qabsiga bulsho cusub, iyadoo ugu dambayn gaartay heer ay ka qayb qaadato go’aan ka gaarista arrimaha saameeya nolosha shacabka Britain.

Guusheeda ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Britain iyo carruurta qaxootiga ah, maadaama ay muujinayso in dadka ka soo jeeda qoysaska qaxootiga ahi ay ka qayb qaadan karaan hoggaaminta iyo siyaasadda dalka ay ku nool yihiin.

Hadda waxaa horyaalla mas’uuliyadda ah inay matasho dadka deegaanka Holborn and St Pancras, iyadoo laga sugayo inay waayo-aragnimadeeda bulshada u beddesho waxqabad wax ku ool ah oo wax ka qabta baahiyaha dadka ay matalayso.