Muqdisho (Goobjoog) — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilka cusub ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya, Christophoros Politis.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, dardargelinta barnaamijyada horumarinta, dib-u-heshiisiinta iyo kordhinta taageerada ay UNDP siiso Dowladda Koonfur Galbeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa dowlad-dhiska, adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaannada Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, isaga oo xusay in taageeradoodu ay door ka qaadan karto hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xoojinta hay’adaha dowladda iyo hagaajinta nolosha bulshada.
Dhankiisa, wakiilka cusub ee UNDP ee Soomaaliya, Christophoros Politis, ayaa kala hadlay hoggaamiyaha fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga iyo taageerada dhinacyada mudnaanta u leh Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Koonfur Galbeed ay raadineyso xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga ah si loo dardargeliyo mashaariicda horumarinta iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.