U bood dhigaalka

Dagaalka Itoobiya: Colaad ka Tirsan Loollan Weyn

Oktoobar 18, 2026

By: Ishaan Tharoor / October 7, 2026
W/T: Bahda Tifaftirka ee Goobjoog

Haddii aad moodaysaan sheekada “burburka nidaamkii caalamiga ahaa” inay tahay hadaltiro aan dhab ahayn, kaalaya Geeska Afrika, si aad u aragtaan xaqiiqadiisii oo dhulka taalla. Dalalka gobolkan oo koobsaday buuro raf ah, togag jeexjeexyo ah iyo ban-xeebeedyo omos ahi waxay tusaale walaac leh u noqdeen casri cusub oo siyaasadda caalamka ah. Waa casri uu kan awoodda lihi muquuninayo ka laciifka ah, casri ay si joogto ah u fashilmayaan haayadihii loo dhisay nabad-abuurista, casri ay danaha dhaqaale iyo kuwa dheefdoon ee kooxo awoodo dibadeed ahi ka kormareen rafaadka rayidka.

Itoobiya, loollan karkarayay muddo dheer ayaa isu beddelay dagaal furan. Dhammaadkii toddobaadkan waxay ka hortageen ciidamada dawladda iyo xoogagga isbahaysiga la ahi guluf ay soo qaadeen kooxo isbahaystay oo ka fallaagoobay xukuumadda dhexe ee Ra’iisalwasaare Abiy Axmed. Isniintiina Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigraay (TPLF) ayaa qabsatay caasimadda gobolka Tigraay ee Maqalle. Waa jabhad ka mid ah isbahaysiga doonaya inay xukunka ka tuuraan Abiy Axmed.

Qalalaase toddobaadyo socday oo ku fidsan caasimadda Addis Ababa, waqooyiga iyo illaa bariga Itoobiya ayaa keenay tobannaan waxyeello oo la diiwaangeliyay, telefoonnada iyo interneedka oo go’ay, iyo cabsi laga qabo masiibo aadaminimo.

Loollanka u dhexeeya jabhadan TPLF oo hore u xuurtaysatay siyaasadda Itoobiya iyo xukuumadda Abiy Axmed waxa ka dhashay dagaal sokeeye oo bilaabmay sannadkii 2020. Dagaalkaas dadka ku dhintay waxa lagu qiyaasay lix boqol oo kun oo qof, dhinacyadana waxa lagu eedeeyay inay gaysteen dambiyo dagaal. Loollanka awoodda ee dhinacyada badan ka dhexeeya awgii, heshiiskii nabadda ee ay beesha caalamku taageertay ee Biritooriya sannadkii 2022 lagu gaaray isna muu waarin; taas ayaa jidka u jeexday fajacan cusub.

Xaalka Itoobiya wuxuu u madowyahay sida uu waaqaceedu u murugsanyahay, waayo waa dawladda labaad ee ugu dadka badan Afrika, waana hoyga tobannaan qowmiyadood. Iyada oo ay taasi jirto waxaa xaaladda uga sii daraya xiisadaha kale ee gobolka.

Dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan oo deris la ah ayaa saamayn ku leh colaadda ka soo cusboonaatay Itoobiya. Warbixinno ayaa sheegay inay xukuumadda Abiy Axmed lug ku leedahay tababarka Xoogagga Gurmadka Degdegga (RSF), kuwaas oo ah ciidamo milatari-la-mood ah oo gacanta ku haya qaybo badan oo galbeedka Suudaan ah. Waxa lagu eedeeyay ciidamadan gaboodfallo iyo xasuuqyo fara badan oo ay u gaysteen rayidka intii uu socday dagaalka ay kula jiraan ciidanka qaranka Suudaan.

Taas lidkeeda, sida ay warbixinnadu sheegayaan, dagaalyahanno Tigraay ah ayaa ka soo muuqday barbarka Ciidanka Qaranka Suudaan ee dagaalka kula jira RSF. (Dagaalkii hore ee 2020, ciidamada Ereteriya waxay caawinayeen ciidanka Itoobiya, balse hadda Ereteriya waxay taageeraysaa fallaagada Tigraayga). Arrinkaasi wuxuu keenay inay Itoobiya cayriso toban diblomaasi oo Ereteriyiin ah iyo inay xirto toddobaadkii tegay safaaraddeedii caasimadda Ereteriya ee Asmara. Ereteriya ayaa iyaduna dhankeeda jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.

Toddobaadkii tegay taliyaha ciidanka Itoobiya ayaa ku eedeeyay dawladaha Masar, Ereteriya iyo Ciidanka Qaranka Suudaan inay sii kicinayaan fallaagadan cusub. Dhammaan xukuumadaha dalalkaasi waxay soo saareen baaqyo ay eeddaas ku beeninayaan. Toddobaadka dhammaadkiisii waxay madaxda dalalkaasi Masar kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo isaguna dhankiisa ku diiddan Abiy Axmed xiriirka furfuran ee uu la leeyahay Soomaaliland, oo ah jamhuuriyad ismaamul gaar ah leh oo ku dhawaaqday inay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, in kasta oo ay ku jirto xuduudda Soomaaliya caalamku u aqoonsan yahay.

Waxay soo saareen afarta dal baaq ay ku sheegeen dulmiga ay ku qabaan himilooyinka ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaarto Badda Cas iyo inay biyaxireen weyn ka dhistay webiga Niil iyo inay diiddan yihiin aqoonsi ama taageero kasta oo la siiyo Soomaalilaan. (Israa’iil ayaa ah dawladda qura ee ka tirsan Qaramada Midoobay ee xiriir rasmi ah leh maamulka Soomaalilaan). Abiy Axmed oo ka jawaabayay eedaymahaas ayaa isniintii sheegay inay Itoobiya raadsanayso marin badeed, taas oo ay doonayso inay hadda ku soo ceshato xiriir ay la yeelato Soomaalilaan oo deris la ah.

Haddii aad moodaysaan xaaladda aan ka soo sheekeeyay inay murugsantahay, wax yar suga! Daaha gadaashiisa wadaa ka socda qorshayaal iyo dano ay riixayaan awoodo waaweyn. Awoodahaas waxaa ka mid ah boqortooyooyinka Khaliijka sida Imaaraadka, Sucuudiga iyo Gadar, oo lagu daray Turkiga iyo Masar. Dhammaantood waxay lugaha kula jiraan dheeshan danaha iyo dagaalka ah ee fidsan laga bilaabo Liibiyada ay dagaalladu qurbeen ee Badda Cad illaa Yamanta ay colaaddu qaybisay ee Badda Cas. Dagaalladan waxaa hurinaya tartanka loogu jiro qabsashada marinnada istaraatiijiga ah iyo khayraadka dheefta leh sida shidaalka, macdanta halbawlaha, biyaha, iyo loollan ballaaran oo loogu jiro saamaynta juquraafi-siyaasadeed ee gobolka.

Tartanka dawladahan ka dhexeeyaa wuxuu ka muuqdaa dagaallada wakaaladeed. Suudaan tusaale ahaan, Imaaraadku wuxuu maal iyo hub ku taageeraa Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF), halka ay Sucuudiga, Masar iyo Gadar barbar joogaan Ciidanka Qaranka Suudaan (SAF). Sidoo kale Soomaaliya waxa joogis ciidan oo xooggan ku leh Turkiga, dhanka Soomaalilaan Imaaraadka iyo Israa’iil oo ah awoodo liddi ku ah isaga ayaa degaan ka samaystay. (Kulan lagu qabtay magaalada Niyuu Yook bishii hore wuxuu igu yiri madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, in kasta oo ay tuhunno iska jiraan, ciidan Israa’iil leedahay ma joogaan Soomaaliland xilligan).

Wuxuu igu yiri Alex Rondos oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee Midowga Yurub u fadhiyi jiray gobolkani: “wuxuu noqday Geeska Afrika qayb qalqalsan oo ka mid ah siyaasadda qarriban ee Bariga Dhexe.” Wuxuu intaas ku daray inuu dagaalka Itoobiya ka dhigan yahay “isku milan iyo in loo sii dhawaanayo wax ballaaran oo halis ah.”

Iyana Michelle Gavin oo ah diblomaasiyad Maraykan ah oo hore, isla markaana ahayd guddoomiyaha koowaad ee arrimaha Afrika ee Golaha Amniga Qaran ee maamulkii Obaama, waxay aragtaa taxane loolanno is hirdiyaya oo la moodo inay isugu biyashubanayaan hal loollan oo weyn. Waxay tiri Gavin: “waxa la moodaa inaan balaayo saadinayo, balse waxa jira xasarado meelo badan ka jira oo ku xirmaya xasarado kale, iyada oo ay dhici karto xiisad meel ka kacday inay isu rogi karto xiisad gobolka oo dhan ka oogan.”

Waxaa socda dadaallo lagaga hortagayo inuu oogmo dab shaamil ahi, waxayse u muuqdaan kuwo aan mira dhalayn. Tusaale ahaan Suudaan, ururro kala duwan iyo awoodo shisheeye ayaa waxba ka qaban waayay dagaalka, sida kooxda “Afarleyda” oo kala ah Maraykanka, Imaaraadka, Masar iyo Sucuudiga, iyo kooxda “Shanleyda” oo ah shan urur oo caalami ah oo ay ku jiraan Midawga Afrika iyo Midawga Yurub. Dhammaantood way ku guuldarraysteen inay joojiyaan dagaalkan galay sannadkiisii afraad, ee barakiciyay saddex meelood meel dadweynaha Suudaan, isla markaana gargaar aadaminimo u baahiyay in ka badan 65% shacabka.

Baaq wadajir ah oo ay soo saareen ururrada gargaarka aadaminimo oo la baahiyay Isniintii ayaa ka digay in yaraanta gargaarka aadaminimo iyo dagaalka socdaa ay halis gelinayaan waxsoosaarka beeraha Suudaan ee sannadkan. Arrinkan waxa ka dhalanaya inay sii korodho baahida Suudaan oo markii horaba ahayd masiibada gaajo ee ugu daran caalamka.

Dawlado Bariga Dhexe ah oo dano ka leh ayaa weli sii hurinaya loollanka, iyada oo aysan muuqan dhinacyo kale oo dibadeed oo qabanqaabin kara saamayn loogu qanciyo dhinacyada dagaallamaya inay colaadda joojiyaan.

Dhinacyada dibadeed ee aan sheegayo waxaa ka mid ah Maraykanka, gaar ahaanna maamulka Taraam oo sameeyay dhaqdhaqaaqyo “qawda maqashii, waxna ha u qaban” ah, oo uu ku sheegay inuu doonayo joojinta loollanka Suudaan. Waxaa la sameeyay wareegyo wadahadallo ah, balse gorfeeyayaal ayaa sheegay inay faragelinta Maraykanku ahayd mid korkaxaadis ah oo aan waxba ku filnayn.

Maamulkii madaxweyne Baydhan wuxuu kaalin ka qaatay inuu dhammeeyo colaaddii Tigraay sannadkii 2022, balse maamulkii ka danbeeyay ee Taraam “wuxuu garabka saaray dhinaca Abiy”, sida uu ku qoray Cameron Hudson mareegta Semafor, kaas oo mar hayay xilka guddoomiyaha arrimaha Afrika ee Golaha Amniga Qaranka ee xilligii madaxweyne Buush. Wuxuu xusay inuu maamulka Taraam ahmiyadda siiyay heshiisyo ganacsi oo waaweyn, oo diyaarado Maraykan ah lagaga iibinayay Itoobiya, iyo inuu maamulka Taraam cunaqabatayn ku soo rogay qaar ka mid ah masuuliyiinta Tigraay xilli hore oo sannadkan ah.

Alex Rondos wuxuu igu yiri, Maraykanka “waxa looga yaqaannay gobolkan askariga waddamarista ee ugu sarreeya”, balse imika “waaqic ahaan wuu ka maqan yahay meesha”; taasina waxay ku abuurtay xukuumadaha gobolka “shucuur ah ciqaabo ma jirto, ee waxaad doonto samee.”

Nuxurkoob siyaasadeed oo uu xilli hore oo sannadkan ah qoray Alex Rondos wuxuu ku sheegay inay laba garab ka abuurmayaan Geeska Afrika. “Garab wuxuu sheeganayaa inuu difaacayo madaxbannaanida iyo midnimada dawladaha ee hore u jirtay”; taasna waxa laga fahmi karaa khudbadihii madaxda Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya ee toddobaadkii tegay iyo khudbadaha dawladaha iyaga taageera ee Turkiga iyo Sucuudiga. Arrinkaasi wuxuu ka soo horjeedaa danaha xukuumadaha Itoobiya, Imaaraadka iyo xitaa Israa’iil. Waa dawlado doonaya “inay qabsadaan marinnada istaraatiijiga ah, khayraadka iyo silsiladaha sahayda, oo aan dan ka lahayn qeexitaankii soojireenka ahaa ee talisgoboleedyada.”

Wuxuu u muuqdaa maamulka Taraam inuu siyaasad ahaan iyo abuur ahaanba u janjeero garabka danbe. Isaga oo fursaddan ka faa’iidaysanaya, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu Aqalka Cad ku cadaadiyay inay aqoonsadaan Soomaalilaan. Wuxuu soo bandhigay dalabyo ay ka mid yihiin inuu madaar weyn ugu magacdari doono madaxweyne Taraam, iyo inay Hargeysa ka dhisi doonaan “Sarta Taraam.”

Waxay tiri Gavin oo imika ka shaqaysa Golaha Xiriirka Arrimaha Dibaddu: “heshiisyada danaysiga ah ee awoodaha shisheeye iyo colaadda sii baahaysa ee ay shidaalinayaan waa astaamaha juquraafi-siyaasadeedka cusub.” Waxay intaas ku dartay: “jidkan cusub ee la raacay ee ah (lacagta ayaa hadlaysa), fashilka ku yimi haayadihii qaramada ee diblomaasiyadda kaga hortagi jiray ismaandhafyada, iyo dagaallada wakaaladeed ee ay dhinacyada saamaynta ku tartamayaa ku daadinayaan dhiigga Afrikaanka, dhammaan arrimahaasi waa astaamo murugo leh oo ina tusaya heerka aynu gaarnay.”