Muqdisho (Goobjoog) — Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo looga hadlay Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas, waxaana hoggaaminayay wafdiga taliyeyaasha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Intii uu kulanku socday, guddiga ayaa taliyeyaasha ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, kuwaas oo la xiriira muhiimadda ay leedahay in sharcigu si waafaqsan baahiyaha dalka uga jawaabo arrimaha difaaca qaranka.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in talooyinka iyo aragtiyada ay taliyeyaashu soo jeediyeen lagu daro Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay difaaca iyo amniga dalka.