U bood dhigaalka

Soomaaliya oo dib u hanatay nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha kaddib 35 sano

Oktoobar 18, 2026

Muqdisho (Goobjoog) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib u soo celinta nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay kaddib 35 sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib u soo celinta nidaamkan ay ka dambeysay dadaallo muddo dheer socday, dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adaha dowladda, diyaarinta xeerar iyo siyaasado, iyo tababarka shaqaale awood u leh inay maareeyaan adeegyada duulista rayidka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, deyn-cafinta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo la wareegista mas’uuliyadda amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo isku-xirka shaqadooda, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado maalgashi oo waaweyn, gaar ahaan gaadiidka, beeraha iyo wax-soo-saarka kale, maadaama ay ku taallo goob istaraatiiji ah oo isku xirta qaaradaha dunida.

“Waxaa naga go’an in la sii horumariyo oo la tayeeeyo hay’adaha qaranka. Waxaan hubaa inaan gaari doonno dunida horumartay ee aan dib uga harnay 30-kii sano,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, isaga oo ku boorriyay inay dardargeliyaan horumarinta garoomada diyaaradaha, maamulka hawada dalka iyo adeegyada duulimaadyada.

Wuxuu sheegay in horumarinta adeegyadaasi ay muhiim u tahay kor u qaadista tayada adeegyada ay helaan shacabka iyo shirkadaha diyaaradaha, iyo xoojinta isku-xirka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

Dib u soo celinta nidaamka IATA-BSP ayaa ah tallaabo la xiriirta dib u habeynta adeegyada duulista rayidka iyo fududeynta howlaha la xiriira iibinta iyo xisaabinta tigidhada diyaaradaha ee shirkadaha ka qaybqaata nidaamka.