U bood dhigaalka

Falalka Burcad-badeednimada oo Saameeyay Kalluumeysatada Deegaannada Puntland

Oktoobar 19, 2026

Dib u soo cusboonaaday weerarrada burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeeshay nolosha kalluumeysatada iyo ganacsatada ku nool magaalada Bandar Bayla ee Puntland, halkaas oo tallaabooyinka amniga, xarig, iyo xayiraado kalluumeysi la kulmay.

Warbixin ay baahisay Al Jazeera ayaa sheegtay in kalluumeysatada deegaanka ay wajahayaan dhaqaale-xumo sii kordheysa, kaddib markii ay yaraadeen kalluunka iyo aargoosatada, isla markaana maraakiib shisheeye oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanaya biyaha Soomaaliya ay wiiqeen ilihii dhaqaale ee dadka ku tiirsan badda.

Cabdifataax Maxamed, oo muddo 20 sano ah kalluumeysato ahaa, ayaa sheegay in wax-soo-saarka badda uu hoos u dhacay, taas oo ku adkeysay inuu qoyskiisa masruufo.

Wuxuu xusay in kalluumeysatada maxalliga ahi aysan awood ahaan la tartami karin maraakiibta waaweyn ee shisheeye, asagoo sheegay in burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 uu wiiqay ilaalinta biyaha dalka, taas oo fursad u abuurtay kalluumeysi sharci-darro ah, halka qaar ka mid ah dadka deegaanka ay markii dambe ku biireen burcad-badeednimada.

Dabayaaqadii bishii Agoosto, maamulka deegaanka ayaa kalluumeysatada ka mamnuucay inay badda galaan muddo laba bilood ah, kaddib walaac laga muujiyey in burcad-badeeddu ay iska dhigayaan kalluumeysato.

Xayiraaddaasi waxay dhibaato ku noqotay qoysas badan oo noloshoodu ku tiirsan tahay wax-soo-saarka badda, waxayna Kalluumeysatadu sidoo kale sheegeen inay ka baqayaan in lagu tuhmo inay taageero siiyaan kooxaha burcad-badeedda ama ay ciidamada badda ee caalamiga ahi ku khaldaan burcad-badeed.

Cabdirisaaq Saciid, oo muddo 15 sano ah ka shaqeynayey kalluumeysiga Bandar Bayla, ayaa sheegay in dad badan la xiray, qaarkoodna lagu eedeeyey inay raashin ama qaad gaarsiiyeen kooxaha burcad-badeedda.

Ganacsiyada deegaanka ayaa sidoo kale looga digay inay wax ka iibiyaan kooxahaas, iyadoo dadka jebiya amarkaasi ay wajihi karaan tuhun amni, waxaana weerarrada burcad-badeeddu ay saameeyeen ganacsiga guud, ayadoo la sheegay in doomo badeecooyin ka keeni jiray Yemen ay joojiyeen safarradii ay ku imaan jireen xeebaha Soomaaliya.

Jethro Norman, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark, ayaa sheegay in burcad-badeednimada aan loo arki karin oo keliya falal ka dhaca badda, balse ay ku tiirsanaan karto shabakado dhulka ka jira oo bixiya dhaqaale, qalab, shaqaale iyo ilaalin.

Wuxuu xusay in xiriirrada qaraabada iyo bulshada ay mararka qaarkood fududeeyaan abaabulka kooxahaas, taas oo ka dhigaysa in la fahmo shabakadaha taageera ay muhiim u tahay la dagaallanka burcad-badeednimada.

Inkasta oo xaaladdu adag tahay, haddana qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa isku dayaya inay dhallinyarada ka hor istaagaan ku biirista falalka burcad-badeednimada.

Cabdifataax Maxamed ayaa sheegay in dhawaan dhallinyaro hubeysan ay damceen inay badda u baxaan, balse dadka deegaanka ay ku qanciyeen in falalkaasi ay dhaawacayaan bulshada oo dhan.

Saraakiil ka tirsan maamulka deegaanka puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xayiraadihii amniga laga qaaday 1-dii Oktoobar, kaddib howlgallo lagu sii daayey saddex markab oo la afduubtay.

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa 2-dii Oktoobar xaqiijisay in la sii daayey maraakiibta Honour 25, Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan Sibu 1, iyo Eureka, waxayna warbixintu sheegtay in 44 shaqaale ah la sii daayey, halka shan shaqaale ah ay ku dhinteen hawlgalkii lagu soo furtay markabka Honour 25.

Si kastaba ha ahaatee, qaadista xayiraadaha ma aysan soo afjarin kormeerka amniga ee xeebaha Bandar Bayla, waxaana Saraakiishu ay sheegeen in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada badda Midowga Yurub ay si joogto ah uga kor duulaan magaalada iyo deegaannada xeebaha fog, iyagoo la socda dhaqdhaqaaqyada dadka hubeysan.

Dib u soo laabashada burcad-badeednimada ayaa ku soo beegantay xilli ciidamada badda ee caalamiga ahi ay wajahaan caqabado amni oo ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kalluumeysatada deegaanka ayaa doonaya inay dib ugu laabtaan shaqadooda iyagoo aan ka baqayn xarig ama in lagu khaldo burcad-badeed, halka bulshada inteeda kalena ay wajahayso baahida loo qabo ilaalinta kheyraadka badda, sugidda amniga iyo dib u soo nooleynta ilaha dhaqaale ee xeebaha.