U bood dhigaalka

Ruushka iyo Sacuudiga oo ka Digay Xiisadaha Ka Taagan Marinka Bab al-Mandab

Oktoobar 19, 2026

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Sacuudi Carabiya, Sergey Lavrov iyo Amiir Faisal bin Farhan, ayaa walaac ka muujiyey xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan koonfurta Jasiiradda Carabta iyo Marinka Bab al-Mandab, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo amniga maraakiibta iyo xorriyadda isu-socodka badda.

Labada wasiir ayaa kulankooda ku yeeshay magaalada Manama ee caasimadda Baxrayn, Axaddii, iyagoo ka qaybgalayay kulanka sagaalaad ee wada-hadalka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, labada dhinac ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in maraakiibtu si ammaan ah oo aan carqalad lahayn uga gudbaan marin-biyoodka caalamiga ah, gaar ahaan Bab al-Mandab oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Marinka Bab al-Mandab ayaa muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, maadaama maraakiibta xamuulka iyo kuwa shidaalka ay u adeegsadaan isu-socodka u dhexeeya Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo kanaalka Suweys.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo arrimaha bani’aadantinimada, ayadoo Labada wasiir ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen sii wadidda wada-shaqaynta ay ku leeyihiin ururka OPEC+, oo ay qayb ka yihiin dadaallada la xiriira suuqa shidaalka.

Dhanka kale, Lavrov ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait, Jarrah Jaber Al-Ahmad Al-Sabah, kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Khaliijka iyo xiisadaha gobolka.

Kulamadan ayaa imanaya xilli walaac laga muujinayo amniga marinnada badda ee gobolka iyo saamaynta ay xiisadaha ka jira Yemen iyo nawaaxigeeda ku yeelan karaan ganacsiga caalamiga ah.