Goobjoog

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Eduárd Máthé, iyo…

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Eduárd Máthé, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhoweyn ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee horumarinta kaabayaasha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Danjiraha cusub ayaa xaqiijiyay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Gobaleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo lagu xoojinayo dadaallada horumarineed ee dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo horumarinta howlaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gunaanadkii kulanka, Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sii wadidda wada-shaqeynta ku aaddan horumarka dalka

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments