Goobjoog

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

Jowhar – Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Imaatinka wafdigan ayaa ku soo beegmaya xilli Hirshabeelle ay…

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

Jowhar – Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Imaatinka wafdigan ayaa ku soo beegmaya xilli Hirshabeelle ay isu diyaarinayso doorashooyinka guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka dowlad-goboleedka oo jadwalkooda la shaaciyey.

Sida ku cad jadwalka doorashooyinka, 21-ka Oktoobar ayaa la qabanayaa araajida musharraxiinta guddoonka Golaha Wakiillada, halka 22-ka Oktoobar la qorsheeyay doorashada guddoonka. Doorashada madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa iyaduna loo asteeyay 24-ka Oktoobar 2026.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments