Goobjoog

Eritrea oo Abiy Ahmed ku Eedeysay inuu Duullaan ku Yahay Dalkeeda

Dowladda Eritrea ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ku eedeysay inuu dagaal ka dhan ah dalkeeda wado, iyadoo sheegtay in dadaallada Itoobiya ay ku dooneyso marin-badeed toos ah ay halis ku yihiin madax-bannaanida iyo amniga Eritrea.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa hadalkan ka sheegay falcelin uu ka bixiyay hadallada hoggaanka Itoobiya ee ku saabsan baahida dalkaasi u qabo marin uu kaga baxo Badda Cas.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Abiy Ahmed inay raadineyso marin-badeed iyadoo adeegsanaysa hanjabaado, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay qeyb ka tahay cadaadis siyaasadeed iyo mid militari oo lagu hayo .

Khilaafka labada dal ayaa salka ku haya muranka ku saabsan faragelin ay Itoobiya ku eedaysay Xukuumadda Asmara oo ahayd inay qeyb ka tahay dagaalka Tigrey, halka Eretrea ay sheegtay in Addis Ababa ay qiil u raadinayso dameceeda ah helitaanka marin-badeedka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments