Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddi iskood isu xilqaamay oo ka shaqeynaya nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigan oo ka kooban ganacsato, culimo iyo xubno ka tirsan qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo la xiriira sidii loo xoojin lahaa nabadda, loo horumarin lahaa dowlad-dhiska, loona adkeyn lahaa wadajirka bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada dib-u-heshiisiinta, lana helo xalal horseedi kara nabad iyo xasillooni waarta.
Guddiga ayaa soo bandhigay fikrado iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan doorka bulshada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee dadka Koonfur Galbeed ay ka qaadan karaan dejinta xiisadaha iyo dhismaha kalsoonida bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa bogaadiyey dadaalka guddiga iyo sida ay ganacsatada, culimada iyo qurba-joogtu iskood isugu xilqaameen ka qeyb qaadashada nabadeynta.
Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo qeybaha kala duwan ee dalka ay door muuqda ku yeeshaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, wadajirka iyo horumarka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa kulanka looga hadlayay xaaladda nabadeed iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee Koonfur Galbeed.
From the comments