Goobjoog

Ugu Yaraan Hal Qof oo ku Geeriyooday Weerar lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Sacuudiga ee Boqorka Fahad

Hal qof ayaa ku dhintay, siddeed kalena way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd, oo ku yaalla magaalada Dammam ee bariga Sacuudiga, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee dalkaas.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka dhaawacmay, kuwaas oo xaaladdoodu u dhexeyso dhaawacyo fudud iyo kuwo halis ah, si degdeg ah loogu qaaday isbitaallada si loogu dabiibo. Waxay sidoo kale sheegtay in faahfaahin dheeraad ah laga soo saari doono dhacdada.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga, kuwaas oo lala xiriirinayo colaadda u dhexeysa xoogagga Xuutiyiinta Yemen iyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, taas oo taageero ka hesha Riyadh.

Dhanka kale  laba qof ayaa ku dhintay kadib markii difaaca cirka ee Sacuudigu uu qabtay diyaarad aan duuliye lahayn oo la sheegay inay beegsanaysay xarun ku taalla goobta shidaalka ee Shaybah, oo ay maamusho shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco, sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta Sacuudigu.

Weeraradan ayaa daba socda dhacdooyin kale oo amni oo ka dhacay garoomada diyaaradaha Sacuudiga, ayadoo Toddobaadkii hore, weerar lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh ayaa la sheegay inuu dilay hal qof, 11 kalena dhaawacay, sida ay warisay dowladda Sacuudigu.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments