Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si adag u cambaareeyay weerarro dhowaan loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones), kuwaas oo dad badan oo rayid ah ku dhinteen gudaha Suudaan iyo deegaanka lagu muransan yahay ee Abyei.
War-saxaafadeed uu Midowga Afrika soo saaray 22-kii Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in weerarradan ay sababeen dhimasho iyo dhaawac baahsan, iyadoo dadka rayidka ah ay weli yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu soo gaarto colaadaha dalka Suudaan.
Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay ilo maxalli ah iyo kuwo caafimaad, ku dhowaad 80 qof ayaa lagu dilay deegaanka Al-Dibab ee gobolka Kordofaan Galbeed, 18-kii Oktoobar.
Sidoo kale, 23 qof ayaa ku dhintay magaalada Nyala ee gobolka Daarfuurta Koonfureed, 16-kii Oktoobar, halka ugu yaraan saddex carruur ah lagu dilay magaalada Khartuum 19-kii Oktoobar.
Dhanka kale, wararka laga helayo deegaanka Abyei ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay weerar 19-kii Oktoobar lagu qaaday suuqa Amiet ay kor u dhaaftay 150 qof, taasoo sii xoojisay walaaca laga qabo badbaadada dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay colaadaha saameeyeen.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay khasaaraha nafeed ee dhacay, isaga oo sheegay in dadka rayidka ahi ay bixinayaan qiime aan la aqbali karin, oo ay ka mid yihiin dhimashada eheladooda, barakac, burburka ilaha nololeed iyo caqabado ku yimaada helitaanka cuntada, adeegyada caafimaadka iyo baahiyaha aasaasiga ah.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha ugu baaqay inay joojiyaan weerarrada lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo kaabayaasha ay ku tiirsan yihiin.
Waxa uu sidoo kale ku adkeeyay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo iyo kuwa caafimaadka, isla markaana la fududeeyo gaarsiinta gargaar degdeg ah oo ammaan ah, iyadoo la waafaqayo shuruucda caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Midowga Afrika wuxuu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada dhexdhexaadinta ee heer gobol iyo heer caalami, si loo gaaro xabbad-joojin bani’aadannimo oo degdeg ah, loona abuuro hannaan siyaasadeed loo dhan yahay oo ay hoggaaminayaan, isla markaana ay leeyihiin dadka Suudaan.
From the comments