Baku, Azerbaijan – 28 Oktoobar 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Warbaahinta Azerbaijan, Ahmad Ismayilov, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta, tababarrada xirfadeed iyo casriyeynta adeegyada baahinta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan suxufiyiinta, sawir-qaadayaasha, tifaftirayaasha, soo-saarayaasha barnaamijyada iyo farsamayaqaannada. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo hagidda xirfadeed.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay dijitaaleynta kaydka taariikhiga ah ee Soomaaliya, si loo ilaaliyo xogta iyo agabka taariikhiga ah ee dalka, loona fududeeyo helitaankooda iyo ka faa’iidaysigooda.




From the comments