Muqdisho – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Iidow, ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay dhawaan yeelan doonto baasaboor cusub, kaas oo la filayo in la soo saaro dhammaadka sanadkan 2026.
Agaasimaha ayaa sheegay in diyaarinta baasaboorka cusub ay qayb ka tahay dadaallada lagu casriyeynayo dukumentiyada aqoonsiga iyo safarka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Baasaboorka cusub ayaa la filayaa inuu yeesho astaamo amni oo casri ah, kuwaas oo lagu xoojinayo kalsoonida dukumentiga, lagana hortagayo been-abuurka iyo wax-ka-beddelka sharci-darrada ah.




From the comments