HARGEYSA (Goobjoog News) – Maamulka Somaliland, oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulkaas, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Michael Lotem oo ay ku tilmaameen safiirka Israa’iil u qaabilsan Somaliland.
Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada maamulka Somaliland ayuu Cirro ku qaabilay Michael Lotem, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga maamulka Somaliland iyo Israa’iil.
Cirro ayaa sheegay in maamulkiisu doonayo inuu Israa’iil kala yeesho iskaashi dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, maalgashiga, amniga, difaaca iyo tiknoolajiyadda, isaga oo sidoo kale xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee goobta Somaliland kaga taallo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.




From the comments