Muqdisho, 2 November 2026 – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xamse Aadan Xaadow, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya, Kubai Iringo, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya (Joint Cooperation Commission), kaas oo labada dhinac ay doonayaan in uu noqdo madasha ugu weyn ee lagu hirgeliyo qorshayaasha iyo mudnaanta ay labada dal ka leeyihiin iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya iyo Kenya, oo ah dalal deris ah isla markaana ka wada tirsan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ay yeeshaan xiriir iskaashi oo nidaamsan, si loo xoojiyo wada shaqeynta loona gaaro danaha ay wadaagaan labada shacab.




From the comments