Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan uu dhammaan doono waqti dhow, isaga oo ku hanjabay in dagaalka lagu soo afjari doono heshiis ama tallaabo kale oo Washington qaaddo.
Trump ayaa hadalkan ku sheegay isagoo ka hadlayay xaaladda dagaalka, wuxuuna tilmaamay in Mareykanku guul weyn ka gaaray howlgallada ka dhanka ah Iiraan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Tehran ay tahay inay heshiis la gasho Washington, haddii kale Mareykanku uu qaadi doono tallaabo uu ku soo afjarayo dagaalka.




From the comments