Alle ha u naxariistee Senator Abukar Axmed Haashi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed, islamarkaana ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xilligii Baarlamaankii 10-aad ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay siyaasiyiin kala duwan oo isugu jira madaxda Dawladda ka tirsan iyo xubno kale, ayagoo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Naxariistiisa Janno.
Marxuumka ayaa kaalin ka soo qaatay dawlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca sharci-dejinta ee Aqalka Sare, waxaana sanadkii 2018-kii uu ka mid ahaa wafdi Senatorro ah oo loo diray deegaannada Galmudug, kuwaas oo ka qeyb qaadanayay dadaallada la xiriiray khilaafaadkii siyaasadeed ee xilligaas ka jiray dalka.




From the comments