Goobjoog

TAARIIKHDA SHAKHSIGA

Waa Kuma Gadi Eisenkot, Ninka Xilka ka Tuuray Taladana kala Wareegay Netanyahu?

Waa Kuma Gadi Eisenkot, Ninka Xilka ka Tuuray Taladana kala Wareegay Netanyahu?

Gadi Eisenkot wuxuu ku dhashay sannadkii 1960-kii magaalada Tiberias ee waqooyiga Israa’iil, wuxuuna ku koray magaalada Eilat, asagoo ka soo jeedaa qoys Yuhuud ah oo asal ahaan kasoo haajiray dalka Morocco, isagoo ah cunugga labaad ee sagaal carruur ah.

Taariikhdiisa qoys iyo koritaankiisa ayaa ka duwan tan Netanyahu, oo ku soo barbaaray qoys saameyn ku lahaa siyaasadda Israa’iil, Eisenkot wuxuu kasoo baxay bulshooyinka aan ku jirin xarumaha awoodda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalka, arrintaas oo qayb ka noqotay sawirka hoggaamiye bulsho ahaan ka duwan siyaasiyiinta muddada dheer talada hayay.

Sannadkii 1978-kii ayuu ku biiray ciidamada Israa’iil, isagoo ka mid noqday guutada lugta ee Golani, halkaas ayuu kasoo bilaabay askari caadi ah, wuxuuna muddo ka badan afartan sano ku jiray adeegga milatariga, isagoo soo maray jagooyin kala duwan oo muhiim ah.

Wuxuu waxbarasho ku qaatay Jaamacadda Tel Aviv, Jaamacadda Haifa iyo kulliyadda daraasaadka dagaalka ee Ciidanka Mareykanka (US Army War College), halkaas oo uu ku bartay cilmiga taariikhda, siyaasadda iyo amniga milatariga.

Koritaankiisa milatari iyo darajadii ugu sarreysay

Eisenkot wuxuu muddo 41 sano ah ka tirsanaa ciidamada Israa’iil, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha guutada Golani, taliyaha qaybta milatariga ee Daanta Galbeed, agaasimaha howlgalada ciidamada, taliyaha taliska waqooyi iyo ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidamada.

Sannadkii 2015-kii ayuu gaaray darajada ugu sarreysa ee milatariga, markii loo magacaabay taliyaha guud ee 21-aad ee ciidamada Israa’iil, xilkaas oo uu hayay ilaa 2019-kii.

Intii uu hoggaaminayay ciidamada, Eisenkot wuxuu door weyn ku lahaa qorsheynta howlgalada milatari ee Israa’iil, gaar ahaan kuwa la xiriira Lubnaan, Suuriya iyo kooxaha ay Iiraan taageerto ee gobolka.

Waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa mabda’a milatari ee loo yaqaan Dahiya Doctrine, kaas oo ku dhisan adeegsiga awood ciidan oo aad u ballaaran oo lagu burburinayo kaabayaasha uu cadowgu adeegsan karo, gaar ahaan marka ay Israa’iil dagaal la gasho Xisbullaah.

Taariikhdiisa milatari ayaa siisay sumcad amni iyo khibrad hoggaamineed oo uu hadda u adeegsanayo ololihiisa siyaasadeed.

Sida uu ku soo galay siyaasadda iyo loollanka Netanyahu

Markii uu milatariga ka fariistay sannadkii 2019-kii, Eisenkot wuxuu muddo ku jiray howlaha bulshada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay, Hase yeeshee, siyaasadda rasmiga ah ayuu galay sannadkii 2022-kii, markii uu ku biiray xisbiga Midnimada Qaranka (National Unity) ee uu hoggaaminayay Benny Gantz, isaga oo markaas loo doortay baarlamaanka Israa’iil.

Weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ayaa si weyn u beddelay jihada siyaasaddiisa,wuxuuna ku biiray dowladda degdegga ah ee dagaalka ee Netanyahu, isagoo ka mid noqday xubnihii golaha dagaalka ee qaabilsanaa dejinta istaraatiijiyadda dagaalka.

Hase yeeshee, khilaaf xooggan ayaa dhexmaray isaga iyo Netanyahu, gaar ahaan qorshaha dagaalka Qasa, mustaqbalka siyaasadeed ee dhulkaas iyo wadaxaajoodyada lagu doonayay sii deynta la haystayaasha Israa’iil.

Eisenkot wuxuu Netanyahu ku eedeeyay inuusan lahayn qorshe cad oo ku saabsan dhammaadka dagaalka, isla markaana uu dano siyaasadeed ka hormarinayo xal u helidda arrimaha amniga iyo la haystayaasha. Bishii Juun 2024 ayay isaga baxeen dowladda dagaalka, isaga iyo Benny Gantz.

Khilaafkaas ayaa markii dambe horseeday inuu ka madax-bannaanaado xisbiga Gantz, bishii Sebtembar 2025-tiina uu aasaaso xisbi siyaasadeed oo isaga u gaar ah, kaas oo lagu magacaabo Yashar, eray afka Cibraaniga ah oo macnihiisu yahay toosnaan ama daacadnimo.

Hal-ku-dhigga siyaasadeed ee xisbigiisa wuxuu ku dhisan yahay fikradda ah in Israa’iil u baahan tahay hoggaan ka gudba kala qaybsanaanta siyaasadeed ee midigta iyo bidixda. Wuxuu ololihiisa ku saleeyay dib-u-habayn dowladeed, isla xisaabtan, mideynta bulshada iyo dib u dhiska kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga.

Geerida wiilkiisa Gal Eisenkot, oo bishii Diseembar 2023 lagu dilay dagaalka Qasa, iyo laba wiil oo uu adeer u ahaa oo iyaguna dagaalka ku dhintay, ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay muuqaalka siyaasadeed ee Eisenkot. Wuxuu arrintaas u adeegsaday inuu ku muujiyo sida dagaalku u saameeyay qoyskiisa iyo sida uu doonayo in naf-hurnimada askarta Israa’iil ay u yeelato natiijo siyaasadeed iyo mid amni.

Maxay ku kala duwan yihiin Eisenkot iyo Netanyahu?

Inkasta oo labadooduba ay ku mideysan yihiin mowqifyo adag oo ku saabsan amniga Israa’iil, Iiraan iyo Xamaas, haddana waxaa jira kala duwanaansho siyaasadeed oo muhiim ah.

1. Siyaasadda gudaha iyo maamulka dalka

Netanyahu wuxuu ku tiirsan yahay isbahaysi ay ku jiraan xisbiyada diimeed ee muxaafidka ah iyo siyaasiyiinta midigta fog, sida Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich. Eisenkot, dhankiisa, wuxuu doonayaa dowlad ka ballaaran isbahaysigaas, wuxuuna dhaliilaa saameynta ay siyaasiyiinta midigta fog ku leeyihiin go’aamada amniga iyo maamulka dalka.

Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in la sameeyo guddi baaritaan oo heer dowladeed ah, kaas oo baara fashilaaddii amni ee 7-dii Oktoobar 2023, halka Netanyahu uu muddo dheer ka gaabsaday baaritaan noocaas ah.

2. Arrinta Falastiin iyo Daanta Galbeed

Labadooduba waxay diidan yihiin in Falastiiniyiintu helaan dowlad madax-bannaan oo buuxda, waxayna doonayaan in Israa’iil ay sii haysato gacan-ku-haynta amniga ee dhulka u dhexeeya Webiga Urdun iyo Badda Mediterranean-ka.

Hase yeeshee, Eisenkot wuxuu ka soo horjeedaa in Daanta Galbeed si rasmi ah loogu daro Israa’iil, wuxuuna dhaliilaa ballaarinta deegaannada Yuhuudda ee dhulka Falastiiniyiinta iyo rabshadaha ay geystaan qaar ka mid ah degganeyaasha Yuhuudda. Netanyahu, dhankiisa, wuxuu dowlad ku dhisay isbahaysi ay ku jiraan siyaasiyiin doonaya in dhulkaas si buuxda loogu daro Israa’iil.

3. Dagaalka Qasa iyo mustaqbalka Xamaas

Labadooduba waxay doonayaan in Xamaas laga saaro awoodda siyaasadeed iyo tan milatari ee Qasa, waxayna taageersan yihiin in dagaalka dib loo bilaabo haddii kooxdaasi diido inay hubka dhigto.

Farqiga ugu weyn ayaa ah in Eisenkot uu Netanyahu ku eedeeyo inuu dagaalka u adeegsanayo badbaadinta mustaqbalkiisa siyaasadeed, halkii uu ka soo bandhigi lahaa qorshe cad oo lagu soo afjarayo colaadda, lagu soo celinayo la haystayaasha, laguna dejinayo mustaqbalka Qasa.

4. Iiraan iyo xiisadaha gobolka

Labadooduba waxay Iiraan u arkaan khatarta ugu weyn ee amniga Israa’iil, waxayna doonayaan in laga hortago helitaanka hubka nukliyeerka iyo awoodda kooxaha ay Tehran taageerto ee gobolka.

Eisenkot, oo khibrad dheer u leh qorsheynta milatariga, wuxuu taageersan yahay in awoodda Iiraan iyo xulafadeeda la wiiqo. Hase yeeshee, wuxuu ku adkeysanayaa in guulaha milatari lagu lammaaniyo istaraatiijiyad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo qeexaysa waxa la doonayo in laga gaaro dagaallada.

Tani waxay muujinaysaa in Eisenkot uusan ahayn siyaasi si weyn uga duwan Netanyahu marka laga hadlayo aragtida amniga iyo awoodda milatariga, balse uu doonayo inuu wax ka beddelo habka hoggaaminta, maamulka dagaalka iyo xiriirka caalamiga ah ee Israa’iil.

Doorashadii Mareykanka iyo dhabar-jabka siyaasadeed ee Netanyahu

Doorashadii dhexe ee Mareykanka ee 3-dii Nofeembar 2026 ayaa noqotay arrin si toos ah u saameysay loollanka siyaasadeed ee Israa’iil. Xisbiga Dimuqraaddiyiinta ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka, taas oo dhabar-jab weyn ku noqotay Madaxweyne Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga.

Mucaaradka Israa’iil ayaa natiijadaas u arkay calaamad muujinaysa in xiriirka Netanyahu iyo Trump uu dhaawacayo taageeradii ballaarneyd ee Mareykanku siin jiray Israa’iil, gaar ahaan maadaama Netanyahu uu muddo dheer si muuqata ula safnaa Jamhuuriga, isla markaana uu khilaaf kala dhexeeyay hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiyiinta.

Arrintan waxaa si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo sheegay in Israa’iil muddo tobannaan sano ah xiriir wanaagsan la lahayd labada xisbi ee Mareykanka, balse Netanyahu uu xiriirkaas u beddelay mid si weyn ugu tiirsan hal xisbi.

Donald Trump ayaa isaguna doorashada Israa’iil ka hor si cad u taageeray Netanyahu, balse kaddib guushii Dimuqraaddiyiinta wuxuu sheegay inuu joojinayo lacagaha taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Israa’iil, kuwaas oo lagu qiyaasay 4 bilyan oo doollar sannadkii.

Arrintan ayaa mucaaradka Israa’iil siisay fursad ay ku muujiyaan in siyaasadda Netanyahu ay halis gelisay xiriirka istaraatiijiyadeed ee dalkaas iyo Washington.

Eisenkot ayaa ka faa’iideystay jawigaas siyaasadeed, isagoo ballanqaaday in haddii uu hoggaanka dalka qabto uu dib u dhisi doono xiriirka labada xisbi ee Mareykanka, isla markaana uu xoojin doono iskaashiga amni, siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Washington.

Wuxuu sheegay in Israa’iil aysan dooran karin dhinac ka mid ah siyaasadda Mareykanka, balse ay tahay inay xiriir la yeelato labada xisbi, si taageerada Mareykanku aysan ugu xirnaan isbeddellada siyaasadeed ee Washington.

Hase yeeshee, falanqeeyayaasha qaar ayaa qaba in beddelidda Netanyahu aysan keligeed ku filnaan doonin soo celinta taageerada Mareykanka, maadaama walaaca shacabka Mareykanka uu sidoo kale la xiriiro dagaalka Qasa iyo siyaasadda Israa’iil ee Falastiiniyiinta.

Doorashadii Israa’iil iyo fursadda Eisenkot ee dhismaha dowladda

Doorashadii baarlamaanka Israa’iil ee 27-kii Oktoobar 2026 waxay keentay natiijo siyaasadeed oo cakiran. Isbahaysiga Netanyahu wuxuu helay 53 kursi, halka afarta xisbi ee mucaaradka ee uu Eisenkot hoggaaminayo ay heleen 48 kursi. Labada xisbi ee Carabta ayaa iyaguna helay 19 kursi.

Inkasta oo Netanyahu uu helay kuraas ka badan isbahaysiga Eisenkot, haddana wuxuu ku guuldarreystay inuu helo taageero ku filan oo uu dowlad ku dhiso. Labada xisbi ee Carabta ayaa taageeradooda u muujiyay Eisenkot, taas oo wadarta taageerada uu ka helay xildhibaannada gaarsiisay 67.

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa 7-dii Nofeembar 2026 Eisenkot u xilsaaray dhismaha dowladda cusub, isagoo siinaya muddo 28 maalmood ah oo ay suuragal tahay in laba toddobaad loogu kordhiyo.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments