Goobjoog

Aragti

13-ka Nofeembar 2026: Maalinta Dunidu ay Dhammaanayso Mise Saadaal Cilmiyeed si Khaldan loo Fasiray?

13-ka Nofeembar 2026: Maalinta Dunidu ay Dhammaanayso Mise Saadaal Cilmiyeed si Khaldan loo Fasiray?

Maalinta Jimcaha ah ee 13-ka Nofeembar 2026 ayaa baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood dib looga hadal hayaa, kaddib markii ay soo baxeen dooddo la xiriira saadaal cilmiyeed la sameeyay in ka badan lixdan sano ka hor, taasoo dadka qaar ku fasireen in dunidu maalintaas dhammaanayso.

Sheekadan ayaa salka ku haysa daraasad lagu daabacay majaladda cilmiyeedka Science 4-tii Nofeembar 1960, taasoo ay diyaariyeen saddex cilmi-baare oo kala ahaa Heinz von Foerster, Patricia M. Mora iyo Lawrence W. Amiot.

Daraasaddooda oo cinwaankeedu ahaa “Doomsday: Friday, 13 November” ayaa lagu falanqeeyay kororka tirada dadka dunida iyo xawaaraha ay dadka ku sii badanayeen xilligaas, waxaana cilmi-baarayaashu ay adeegsadeen xisaab iyo saadaal ku salaysan heerarkii kororka dadka ee waagaas, iyagoo soo jeediyay in haddii kororkaasi ku sii socdo isla xawaarahaas, uu gaari karo heer aad u sarreeya oo dunida ku keeni kara cadaadis baaxad leh.

Taariikhda 13-ka Nofeembar 2026 ayaa sidaas ku noqotay qayb ka mid ah saadaashii daraasadda, balse macnaheedu ma ahayn in cilmi-baarayaashu caddeeyeen in meeraha Dunidu burburayo ama nolosha bani’aadamku ay maalintaas dhammaanayso.

Dhab ahaantii, saadaashu waxay ku dhisnayd xaalad xisaabeed oo ku salaysnayd xogtii iyo heerarkii kororka dadweynaha ee la arkayay sannadihii 1960-meeyadii, hase yeeshee, tirada dadka dunida iyo habka ay u kordhaan waxaa saameeya arrimo badan, sida heerka dhalmada, dhimashada, horumarka caafimaadka iyo isbeddellada dhaqaale iyo bulsho.

Dib u soo nooleynta saadaashan xilli ay taariikhdu soo dhowdahay ayaa dhalisay hadal hayn, inkastoo aysan jirin caddeyn cilmiyeed oo muujinaysa in dunidu dhammaanayso 13-ka Nofeembar 2026.

Waxa ay daraasaddani dhab ahaantii ka digaysay waa caqabadaha ka dhalan kara kororka aan xadka lahayn ee dadka iyo cadaadiska uu ku keeni karo kheyraadka dunida, mana ahayn saadaal la hubo oo ku saabsan dhammaadka meeraha.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments