Soomaaliya oo taageertay isku-filnaanshaha dhaqaale ee Midowga Afrika

Accra, Ghana: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana kaga qaybgalay kalfadhiga aan caadiga ahayn…

Soomaaliya oo taageertay isku-filnaanshaha dhaqaale ee Midowga Afrika

Accra, Ghana: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana kaga qaybgalay kalfadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Shirka oo diiradda lagu saarayay midnimada Afrika iyo maalgelinta waarta ee Midowga Afrika, ayuu Wasiiru Dowluhu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ururku yeesho nidaam dhaqaale oo isku filan, si loo xaqiijiyo maalgelin joogto ah oo lagu fuliyo hawlaha iyo mudnaanta qaaradda.

Cali Balcad ayaa si gaar ah u xusay baahida loo qabo xoojinta Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika (AU Peace Fund), isaga oo taageeray hirgelinta Go’aankii Kigali ee ku saabsanaa canshuurta boqolkiiba 0.2 laga qaado badeecadaha qaaradda laga soo dejiyo.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu taageeray dib-u-habaynta lagu mideynayo waajibaadka iyo shaqooyinka Guddiga Midowga Afrika, wuxuuna uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika taageerada ay howlgalka AUSSOM ku siiyeen Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay iskaashiga la soo jeediyay ee lala yeelanayo hay’adaha maaliyadeed ee Afrika, isaga oo xusay in dakhliga ka soo xarooda maalgelinta Sanduuqa Nabadda uu sii xoojin karo taageerada loo fidiyo mudnaanta iyo baahiyaha qaaradda.

Ugu dambayn, Cali Balcad ayaa carrabka ku adkeeyay in Afrika ay iyadu hoggaamiso xal u helidda caqabadaha haysta qaaradda, iyadoo la xoojinayo midnimada, iskaashiga iyo isku-filnaanshaha dhaqaale.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments