Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Israa’iil iyo Taiwan ay khatar ku yihiin jiritaanka iyo madax-bannaanida dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in labada dhinac ay xiriir dhow la leeyihiin Soomaaliland.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu daahfurayay dhismaha Jaamacadda Qaranka ee Difaaca Soomaaliya, taas oo loogu talagalay horumarinta aqoonta, tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Taiwan ay khatar ku tahay jiritaanka Soomaaliya, halka Israa’iil ay iyaduna halis ku tahay dowladnimada dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay kala garanayso saaxiibbadeeda iyo dhinacyada aan danaha dalka la wadaagin.





From the comments