Xiisadda dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sii xoogaysanaysa, iyadoo dowladda Iran ay digniin cusub u dirtay maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, xilli ay sii kordhayaan weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta iyo xarumaha milatari ee gobolka.
Afhayeenka Ciidanka Kacaanka Dalka Iiraan, Sareeye Guuto Mohammad Akraminia, ayaa maraakiibta uga digay inay adeegsadaan waddooyin uu ku tilmaamay kuwo Mareykanku si been ah u tilmaamay, wuxuuna sheegay in maraakiibta raacda waddooyinkaas ay halis ugu jiraan miinooyin badeed, rasaas iyo qaraxyo.
Akraminia ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibta doonaysa inay si nabad ah uga gudbaan marin-biyoodka Hormuz ay tahay inay la xiriiraan ciidanka Iran iyo Ilaalada Kacaanka, isla markaana raacaan waddooyinka ay iyagu tilmaamaan.
Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadday nidaam raadaar oo Mareykanku leeyahay, kaas oo ku yaalla saldhigga cirka ee Ciise ee dalka Baxrayn.
Baxrayn ayaa iyaduna soo saartay digniin amni oo ku saabsan khatar suurtagal ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay shacabka ku boorrisay inay u dhaqaaqaan goobaha ammaan ah, isla markaana wararka ka sugaan hay’adaha rasmiga ah.
Dhanka kale, dowladda Hindiya ayaa xaqiijisay in 24 badmaax ee u dhashay dalkaas, kuwaas oo saarnaa markab shidaal oo calanka Panama sitay laguna weeraray marin-biyoodka Hormuz, ay dhammaantood badqabaan, iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah.
Xiisadda gobolka ayaa sidoo kale laga dareemayaa dadaallada diblomaasiyadeed. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Cumaan iyo Iran, Badr Albusaidi iyo Cabbaas Caraaqji, ayaa kulan ay ku yeesheen Cumaan kaga wada hadlay xaaladda marin-biyoodka Hormuz, amniga marinnada badda iyo sidii loo xaqiijin lahaa isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Dhanka siyaasadda Mareykanka, Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance ayaa sheegay inuusan taageersanayn in dagaalka Iiraan isu beddelo dagaal daba-dheeraada oo aan dhammaad lahayn, wuxuuna dhaliil u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay muxaafid adag oo doonaya in Mareykanku muddo aan la cayimin ku sii jiro dagaalka.
Dhacdooyinkan ayaa muujinaya sida ay xaaladdu uga sii dareyso Bariga Dhexe, iyadoo marin-biyoodka Hormuz uu weli yahay meel xasaasi ah oo ay ku tiirsan yihiin maraakiibta shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah.
From the comments