Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, ayaa caawa magaalada Muqdisho kaga qeybgalaya bandhig-faneed ballaaran oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Bandhigga ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, fanaaniin, abwaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo lagu soo bandhigayo suugaanta, fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, laguna ilaalinayo hiddaha iyo hal-abuurka ummadda Soomaaliyeed.





From the comments