Aragtida Xorta Ah

Waxaa qabsaday caalamka Carbeed bodkasti uu bixiyay Sheekh Maxamed Idiriis, kaasoo dhaliyay su’aalo badan, haddaba aan idiin qulaaseeyo labada saac uu hadlayay Inta ugu muhiimsan, koobkaada shaaxa soo qaado, aynu bilowno.

Sheekh Maxamed Idiriis wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada Qandala ee dhacda Buntilaan. Aabbihiis wuxuu ka soo jeedaa dalka Eretariya, wuxuuna u dhashay qabiilka banii Caamir. Aabihiisa waxa uu ahaa ganacsade u kala goosha Indiya, Cummaan, Yemen ilaa Sansibaar. Hooyadiis waa Majeerteen gaar ahaan lafta Cali Saleebaan. Waxyaabaha cajiib ka ah ee uu aabbihiis ka sheegay waxaa ka mid ah inuu aabbihiis jiray markuu asaga dhalanayay 90 iyo dhawr gu’. Waxayna da’diisa kor u dhaaftay 130 sano asaga oo caafimaad qaba xoogiiisana leh. Waxa uu dhaqan u lahaa aabbihiis inuu cishaha kaddib tukan jiray 20 rakcadood, isagoo ahaa mu’addin. Sheekh Maxamed Idriis waxa uu dugsigiisa ku soo qaatay magaalada Qandala ilaa dugsigiisa hoose 1966. Kaddib wuxuu 1971dii u safray Muqdisho.

Waxyaabaha i soo jiitay ee uu ka sheekeeyay waxaa ka mid ah, inuu ku soo safray Qandala ilaa Muqdisho diyaaraddii Somali Airlane, halka xilligaas ay dowlado badan oo carbeed aysan lahayn wax diyaarado ah. Inta badan dadka Soomaaliya taariikhdeeda ka warrama waxay wax ka qoraan inta dagaalka iyo burburka lagu jiray iyo isqabsiga siyaasadeed, laakiin Muqdisho siday ahayd 1990 wixii ka horaayay, waxa uu ku tilmaamay inay ahayd “Iswiisarlaanta Afrika” xagga nadaafaddeeda, waddooyinka qurxoon, rugaha kofeega ee horumarsan ee ku yaalay, makaatibta ay lahayd iyo xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada oo bilaash ahaa.

Waxa uu ka sheekeeyay ololihii lagu faafiyay dhigista af Soomaliga ee ahaa “iskaa wax u qabso,” isagoo sheegay in dawladdu ay ku bixisay 350 milyan oo doller, ayna diyaarisay dawladda 16 kun oo arday oo lagu faafiyay dhammaan goballada Soomaaliya. Sheekh Maxamed Idiriis waxa uu ka mid ahaa ardaydii loo diray magaalada Jowhar. Ololahaas wuxuu keenay in dadka aan wax aqrin waxna qorin ay ahaayeen 15% ay noqdaan Inta wax qorta waxna akhrisa 75%, Soomaliyana lagu siiyay arrintaas abaalmarinno badan.

1975 waxa uu u guuray oo magaalada Cadan ee dalka Yemen, asagoo halkaasi ku bartay xirfadda Daabacaadda oo aheed mid aad u qaali ah, iyo luuqadda Carabiga iyo Ingiriisiga. Sida uu sheegay 1977 waxa uu galay dalka Sucuudiga asaga oo lacag $33 wata cid kaga horeesayna ay jirin. Waxa uu ka shaqo bilaabay shirkad Ameerikaan ah oo Sucuudiga ka hawlgalaysay, isagoo u noqday turjumaa, ilaa uu gaaray gacanyaraha maamulaha shirkadda. 1978 waxa uu qaatay kaarka degganaashaha dalka Sucuudiga asaga oo dagay magaalada barakaysan ee Maka. Ilaa maanta oo 46 laga joogana uu wali haysto iqaamadaas ayna u shaqaynayso.

1981 waxa uu qoray maqaalkiisii ugu horreeyay isaga oo bilaabay inuu saxaafadda ku soo biiro oo wax ku qoro channalo badan. 1986 waxa uu Mareekanka ku tagay safar dalxiis, kadib waxa uu safaaradda Sucuudiga ee USA ka helay shaqo taasoo eheed Sarkaal ka tirsan maktabka warbaahinta ee safaaradda. Laakiin, nasiibxumo, mar danbe fiisaha Waa laga kansalay sidaas ayuuna ku waayay shaqadaas. Kaddib wuxuu Maka ka sii watay shaqadiisii qoraalka ahayd. 1985 ayuu xaraystay nidaamka lagu galo dalka Mareekanka waxa uuna usoo baxay 1995, asagoo 1997 galay dalka Maraykanka.

Sheekh Maxamed Idiriis wuxuu degay gobalka Joorjiya ee dalka Maraykanka, wuxuu bilaabay ololihiisa dacwada iyo abaabulka dadka, waxa uu soo ururin jiray tabarrucaadka ay la baxaan dadka Soomaaliyeed si uu ugu dhiso masaajid iyo goobo waxbarasho. Mu’asasada uu aasaasay waxa uu waxa ay ku guuleesatay inay soo ururiso qarash u dhaxeeyo 180 ilaa 200 oo milyan oo doollar ka Maraykanka, iyadoo lagu dhisay wax ka badan 50 xarun Islaami ah oo ku kala fidsan 20 gobal oo dalka Maraykanka ah. 90% qarashkaas waxaa la baxay jaaliyadda Soomaaliyeed. Waxa uu ka sheekeeyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareekanka ku nool dhibaatada ay kala kulmeen goobaha laga shaqeeyo ayagoo u diideen inay salaadahooda iyo shicaaraadkooda gutaan.

Sheekha waxa uu aad caan ugu yahay ololihiisa dacwada ee uu sida hagar la’aan ugu dadaalay inuu khayrka iyo wanaagga gaarsiiyo ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay ku nooshahay. 3dii sanaba waxa uu qaaday ilaa 5 baasaboor oo mid walba uu ka buuxsami jiray fiisaha lagu dhufanaayo safarrada uu galay dartiis! Dalka Iswiidhan Soomaalida waxa ay ka dhiseen ilaa 50 xarun oo Islaami ah, dadka Soomaaliyeedna lagu wax baro. Dalka Koonfur Afrika Sheekha wuxuu ku maray 15 safar gudihiisa ah 2006kii. Waxa uu mideeyay Soomaalidii halkaas joogtay ee kala qoqobtay siyaasad iyo isqabiilaysi, isagoo ka aasaasay 25 xarun Islaami ah oo ay ku baxday boqollaal kun oo doollar. Waxa uu ka sheekeeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo galay tahriib iyo dhibaato iyo dhacdooyin qalbitaabad ah oo ay la kulmeen.

Sababta loogala Noqday Sharciga Maraykanka!

2010 waxa uu gobolka Minisoota gaar ahaan magaalada Miniyaabulis ka jeediyay khudbad aad u xamaasad badneed waxaa soo xaadiray in ka badan 10 kun oo qof Soomaali ah. Khudbaddaas dadka aad ayay u qiiroodeen si dhab ahna way u saamaysay dadka. Dawladda Maraykanka waxay aragtay ninkan saamayntiisa diimeed halka ay gaarsiisan tahay, waana halka dhibicda lagu saaray, waxa u sii dheer intaas safaradaan tirada badan ee Sheekha u galaayo dacwada, taasoo mar walba keenaysay in lagu hakiyo saacado ayraboodka ka gudihiisa.

Waqti yar kaddib khudbaddaasi waxaa loo keenay Sheekha warqaaha ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka, loogana dalbanayay in laga celiyay jinsiyaddii la siiyay 2002dii ee ah baasaboorka dalka USA. Sababta ugu weynna waxay ku sheegeen in safarradiisa qaybo ka mid ah uu qariyay!

Qareennadii Sheekha uu qabsaday waxay u sheegeen in xukuumadda Maraykanka aysan wax denbi ah aysan ku haynin laakiin waxaa argaggaxgaliyay uun ay tahay safarradan dacwada ah ee badan iyo khudbahan saamaynta leh ee uu u jeediyo jaalliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool. Muddo 5 sano ah (2012 -2017) ayey socotay dooda maxkamadda ilaa 2017 ay uu soo baxay xukunkii u danbeeyay ee lagala noqday jinsiyadda. Wuxuu ku wareejiyay baasaboorka qareenkiisa, isagoo kaga safray dalka Maraykanka baasaboorka Soomaaliya, waxaana soo sagootiyay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Maraykanka, Danjire Axmed Ciise Cawad.

Waxaa jirta arin aad loogu haystay ee yiri “Shacabka Soomaaliyeed waa dad reerbaadiyayaal ah” waxay ila tahay inuu ka waday asliyan in shacabka Soomaaliyeed ay ahaayeen dad reerguuraa ah, oo ku nool degsiimo iyo naq raac ah, waxay Soomaalida aad u dhaqdaan xoolaha oo geel ugu horreeyo, qofka geeljiraha ahna dabciyan waa qof qallafsan oo badawi ah.

Gabagabadii, waxaa jirta qodob aan ku dhaliilaayo taasoo ah inuu si xun u sifeeyay garaaca macallinka dugsiga uu garaaco ardayda, xataa wariyaha waraysanayo wuxuu ku tilmaamay sida Guwaantanaamo inay noqonayso ciqaabtaas. Macalimiinteenii Alle ha ka abaalmariyo ushaas kama ahayn xasad iyo tacaddi, balse wuxuu ahaa hab ay aaminsanaayeen inuu ardayga waxa ku baranayo, laakiin maanta alxamdulillaah aad baa looga horay arrintaas.

WQ: Axmed Carab

Nuxursameeye

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments